Xaflad lagu maamuusaayey Marwo Amina Casayr Magan oo ka qabsoontay Hotel Maamuus ee magaaladda Hargaysa iyo masuuliyiin ka socday Xukumadda Somaliland oo kasoo qaybgalay+Sawiro

xaflad lagu maamuusaayey Marwo Amina Casayr Magan oo ka qabsoontay Hotel Maamuus ee magaaladda Hargaysa iyo masuuliyiin ka socday Xukumadda Somaliland oo kasoo qaybgalay+Sawiro

Screen Shot 2017-08-12 at 15.24.40

Waxa xalay Hotel Maamuus ee New Hargeisa ka qabsoomay xaflad lagu maamuusaayey, Marwo Amina Casayr Magan oo runtii mutaysatay in la maamuuso isla markaasna la gudoonsiiyo shahaado sharaf ka turjumaysa waxqabadka dhabta ah ee ay ka anba qaaday jamhuuriyadan Somaliland mudadii aadka u dheerayd, gaar ahaan hawlaha dhanka caafimaadka, waxbarashada iyo dhamaanba arimaha kale ee bulshada ee ku aroora Degmada Sabowanaag. .Screen Shot 2017-08-12 at 15.28.40 

Hadaba xafladan oo uu soo agaasimay Safiirka Somaliland ee dalweynaha Australia, Mudane Mohamed Ismail Hussein oo ku magac dheer “Ambassador Balishire”. Oo soo diyaariyey shahado sharaf ka socota ururka “Somaliland-Australian Friendship Foundation”. Iyadoo halkaasi lagu gudoonsiiyey Marwo Amina Casayr Magan oo ay gudoonsiisay agaasimaha guud ee madaxtooyada Somaliland Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo wakiil ka ahayd Marwada kowaad ee Jamhuuriyada Somaliland, Marwo Amina Mohamed Jirde (Amina -Weris).Screen Shot 2017-08-12 at 15.28.25

Waxa xafladan ka soo qayb galay masuuliyiin dawladeed oo kala ahaa, Safiirka Somaliland ee dalka Norway mudane Sulub Warsame, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee dalka Australia, Mudane Hassan Ahmed Mohamed “Hallac”. Masuul sare oo ka tirsan dawlada Somaliland isla markaasna ah Wakiilka guud ee Xawaalada Dahabshiil ee dalka Norway, Mudane Ahmed Awad, Agaasimaha dhanka amniga ee madaxtooyada Somaliland mudane Najax, agaasimaha madbacada qaranka Somaliland, mudane Abdikarim, agaasimaha xarunta dabdemiska mudane Abdisamad, Qurbojoog, Qaranjoog iyo marti sharaf kaloo badan oo goobtaas ku sugnayd.  Screen Shot 2017-08-12 at 15.28.53 

Sidaas oo ay tahay, hadana duruufo jira awgood, waxa soo cudur daartay oo iyaguna goobtaas ku sugnaan lahaa, wasiiro ay ka mid yihiin,  Wasiirka Macdanta iyo tamarta, mudane Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka duulista iyo hawada mudane Farxaan Adan Haybe. Wasiirka arimaha dibada, mudane Sacad Ali Shire. Wasiirka Waxbarashada, Mudane Cabdilaahi Ibrahim Habane iyo wasiir ku xigeenka Qorshaynta Qaranka mudane Ahmed Adan Ismail “Keyse”  dhamaan wasiiradaas oo duruufo jira awgood iyo arimo degdeg ah oo soo kordhay awgood uga soo qayb geli kari waayey xafladan laakiin soo diray hanbalyo iyo bogaadin ku aadan marwo Amina Casayr Magan.

Salaanmedia/HargaysaScreen Shot 2017-08-12 at 15.29.02 Screen Shot 2017-08-12 at 15.29.15 Screen Shot 2017-08-12 at 15.29.30 Screen Shot 2017-08-12 at 15.29.46 Screen Shot 2017-08-12 at 15.29.59