Xildhibaan Reer Awdal Ah Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Xildhibaanada Awdal Ee KULMIYE Ka Baxay Aug 12, 2017

Xildhibaan Reer Awdal Ah Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Xildhibaanada Awdal Ee KULMIYE Ka Baxay

Aug 12, 2017 Hargeysa (SM) –  oo ka  tirsan Golaha Wakiilada, kana mid ah Xildhibaanadii u coddeeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ayaa ka hadlay Xildhibaanada iska casilay Golaha dhexe iyo xubinimada Xisbiga Kulmiye ee ay ka soo wada jeedaan gobalka Awdal iyo xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay inuu xildhibaanada is casilay ku taageersanyahay go’aanka ay qaateen.good

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good,  oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa ugu horeyn Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good uu yidhi “Xildhibaanada ka baxay Xisbiga Kulmiye, fikirkooda way ku saxsan yihiin, waanan ku taageersanahay, inay ka baxaana waan la qabaa,waxayna Kulmiye uga baxeen ayaa ah in  cadaalad daradaas dhacaysa ee codkoogii iyo gacantoodii ay taagayeen loo diidayo, oo 39 Xildhibaan ee aqlabiyadii noqotay, ee la iska indho tirayo, markaas waa sharci daro aan meesha qaban in codkayagii la iska indho tiro, 39 Xildhibaan oo meel maray oo gacanta taagay, oo aqlabiyadii Golaha ah, in codkooda la duudsiyo wax meesha qabta maaha”.

Xildhibaan Abubabar ayaa farriin u diray maxkamadda sare, waxaanu sheegay inay maxkamadda ka filayaan inay qaado garsoor cadaalad ah, waxaanu yidhi “Qof kasta Maxkamada sare wuu ka walaacsan yahay, oo wuxuu is leeyahay waxba soo saari mayso, wakhtiyadan dambe iyo siday ku socoto waynu aragnaa,  laakiin rajo wanaagsan ayaanu ka rajaynayna, in xaq daro xukunto oo 39 Xildhibaan codkooda zero[eber] tidhaahdo wax la aqbali karo maaha, cadaalad darana yeeli mayno”.

Xidhibaan Abubakar mar uu ka hadlaayey xadhigii Saleebaan Cali Koore ayaa yidhi “Sifo sharciya laguma xidhin Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, isaguna xabad muu ridin, isagu guddaha ayuu ku jiray, wuxuu soo baxay kiisi yaraa iyo kii kale oo lagu buuqsan yahay, oo askari haysto, xaalad kadis ah ayuu ku soo baxay, in Xildhibaan aan dambi galin in  la xidhana may ahayn, qofkii rasaasta riday iyo qofkii kale marka la baadho markay wax cadaan weeye, balse in Xildhibaanka la xidho waa xalad adag, askar haddii Golaha la keenay, oo askartii hore la bedelay, waa iska caadi, balse waxa xaqiiqo ah in laga ordayo cadaalad darada jirta”.

Salaanmedia/Hargaysa

Geeska