Xisbiga Waddani Oo Tababar Saddex Cisho Socday Usoo Xidhay Gudoomiyeyaasha Gobolada Iyo Degmooyinka Ee Xisbiga Waddani

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa tababar mudo saddex cisho ah socday waxa uu usoo xidhay gudoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka dalka ee xisbigaasi, marka laga reebo labada gobol ee kaadhqaadashadu ka socoto ee Sool iyo Sanaag.

DSC0849-150x150

Tababarkan oo gudoomiyeyaasha heer gobolada iyo heer degmo ee xisbiga Waddani loo qabtay ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo kobcin lahaa awooda iyo tayeynta xafiisyada xisbiga Waddani ee heer gobol iyo degmo, gaar ahaana xiliga ololaha iyo doorashada, waxaanay sidoo kale tababarkan ay ku qaateen aqoon iyo casharo la xidhiidha asxaabta siyaasada iyo xidhiidhka wadashaqayneed iyo ololaha doorashooyinka sida loo galo.
Tababarkan ayaa ka dhacay hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaana maalgalisay hay’adda Saferworld, waxaanu noqon doona mid sii socda oo loo qabto Gudoomiyeyaasha xisbiga Waddani ee gobolada Sool iyo Sanaag iyo degmooyinka hoos yimaada ee hadhay.
Waxaana mudadii uu socday tababarkaasi casharada bixinayey khabiir u dhashay dalka Ghana, waxaana tababarkaasi soo xidhay hogaamiyaha xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo halkaasi uga soo jeediyey gudoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka ee xisbiga Waddani hadalo u badnaa dardaaran iyo dhiirigalin.
Sidoo kale Madaxa ololaha xisbiga Waddani, Mudane Xamse Khayre ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey ka soo qaybgalayaashii tababarkaasi, waxaanu sheegay in barnaamijka tababarkani uu qayb ka yahay u diyaargarowga ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 13-ka November 2017.