Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Yeeshay Wasiirudawlaha Ingiriiska August 20, 2017

Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Yeeshay Wasiirudawlaha Ingiriiska
August 20, 2017IMG_0593
Madaxweyne-ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha M/weynaha JSL mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici ayaa maanta (20.08.2017) Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti culus oo ka socda Dalka Boqortooyada Ingiriiska.IMG_0593

Madaxweyne-ku-xigeenka waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Caddaani iyo Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Adan Cige (Deyr).
h
Weftiga ka socday Dawladda Ingiriiska waxa hoggaaminayey Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka Ingiriiska (Minister of State for Foreign & Commonwealth Office -FCO) Mr. Rory Stewart. Xubnaha kale ee weftiga waxa ka mid ahaa:
Mr David Concar (British Ambassador to Somaliland and Soomaaliya),
Mr. Julian Reilly (Head East Africa Department-FCO),
Mr. Donal Brown (DFID-Director of East and Central Africa),
Mr. Phil Evans ( Head of DFID for Somaliland and Somalia),
Waxa kale oo Weftiga la socday Xoghayeyaal iyo hawl-wadeeno ka tirsan Xafiisyada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dalka Ingiriiska.
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu ugu horraan Weftigii ka socday Dawladda Ingiriiska ku soo dhaweeyey JSL isla markaana uga mahad naqay booqashada qiimaha leh ee ay ku yimaadeen Jam. Somaliland. Sidoo kale Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu Dawladda Ingiriiska uga mahad naqay taageerooyinka kala duwan ee ay u fidiso dalkeena iyo yuhuunta ay Dawladda Ingiriisku kula shaqayso Jam. Somaliland, isagoo tibaaxay in Dalka Somaliland u baahan yahay gar-gaar iyo taageero ka badan ta ay Xukuumadda Ingiriisku haatan noo fidiyaan.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa weftiga uga warramay qaabka ay u socdaan u diyaar-garowga doorashada soo socota, arrimaha nabadgelyada ee Qaranka JSL, mashaariicda horumarinta ee dalka ka socda iyo Abaarihii ba’naa ee Somaliland ka dhacay. Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire waxay si mug leh uga war bixiyeen saamaynta iyo waxyeellada ay Abaaruhu dhaliyeen, kuwaasoo duunyo iyo dadba aad u tabaaleeyey. Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Dr. Sacad waxa kale oo ay weftiga u sheegeen in Abaarihii ba’naa ee dalka ka dhacay ay sababeen bara-kac baaxad leh taasoo ay dad badani degaanadoodii ka hayaameen, una baqooleen degaanno durugsan oo dantu ku qasabtay si ay u bedbaadiyaan wixii weli xoolo u sii nool. Abaaruhu waxa kale oo ay keeneen fakhri iyo caydh baahsan oo hor leh oo soo waajahday bulsho aad u badan oo xoolo-dhaqato ahayd oo run ahaantii iyagu abaaraha ka hor si walba ugu filnaa nolol maalmeedkooda, balse haatan faro-madhan ka taagan boqollaal adhi ama geel ah oo ay lahaan jireen.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Dr. Sacad waxa kale oo ay Weftigii ka socday Dalka Ingiriiska uga warrameen in bixinta iyo qaadashada Kaadhkii Codbixintu ay si habsami leh uga socoto labadii Gobol ee ugu dambeeyey, intaa wixii ka dambeeyana loo diyaar garoobi doono doorashada tartanka Madaxtooyada. Waxa kale oo ay tibaaxeen in kharashkii lagama maarmaanka u ahaa arrimaha doorashooyinka ee awal ay beesha Caalamku inaga taageeri jirtay ay Xukuumadda JSL ay dhammaanba dabooshay, haatanna Dawlad iyo Shacaba aynu diyaar u nahay qabshada Doorashada 13.11.2017.
Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL waxa ay Weftigii ka socday Dalka Ingiriiska ka codsadeen in Jam. Somaliland laga taageero arrimha nabadgelyada, tababarrada, aqoonta, caafimaadka, kordhinta sanduuqa mashaariicda horumarinta ee Somaliland. Waxay si gaar ah weftiga uga codsadeen in Jam. Somaliland laga taageero qorshe dhamaystiran iyo hannaankii mustqbalka Aabaraha looga gaashaaman lahaa ama loola tacaali lahaa looguna diyaar garoobi lahaa, maadaama ay haatan aabaruha soo noqnoqdeen isbeddelka Cimiladuna uu noqday dhacdo Caalami ah.

Dhinaca kale, Weftigii ka socday Dawladda Ingiriiska waxa iyana dhinacooda hadlay Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka Ingiriiska (Minister of State for Foreign & Commonwealth Office -FCO) Mr. Rory Stewart iyo Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Labadan masuul waxay si cad u tibaaxeen isla markaana ay ugu nuux-nuuxsadeen in Dawladda Ingiriisku ay Jam. Somaliland u hayso Ixtiraam iyo Qadarin weyn taasoo ay Dawladda iyo Shacabka Jam. Somaliland ku mutaysteen nabdgelyada, horumarka iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee ay JSL ku naaloonayso, iyadoo weliba ay Somaliland ku taallo Gobol ay colaadaha iyo xasilooni darradu ku badan yihiin. Waxa kale oo ay sheegeen in Xukuumadda Ingiriisku ay sii wadi doonto siina kobcin doonto taageerada dhaqaale, ta horumar iyo ta amni ee ay Dawladda Ingiriisku u fidiso dalka Jam. Somaliland.

Wasiir Mr. Rory Stewart iyo Ambassador David Concar waxa kale oo ay Xukuumadda JSL ka xog waraysteen Mashruuca Horumarinta iyo Ballaadhinta Dekedda Berbera iyo qaabka ay ilaa haatan u socoto. Ugu dambayntii, labadan masuul waxay hoosta ka xarriiqeen in qabsoomidda doorashada Madaxweynaha ee soo socota ay milge iyo sharafba u tahay Dalka iyo Dadka JSL taasoo sare u sii qaadi doonto kalsoonida ay Beesha Caalamku ay ku qabto Somaliland iyo wada-shaqaynta iyo kaalmada xagga koboca mashaariicda horumarinta ee ay Jam. Somaliland ka heli doonto Beesha Caalamka.IMG_0592