Prof : Ahmed Ismail Samatar Wayo Se Muxuu Kulmiye U Galay Dhugo Warbixin ila xogogaala ka helnay

Waxaanu ilo xogogaal ah ka helay , siro ku saabsan Prof : Axmed Samatar in uu qandaraas( laaluush ) siiyey Xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixi oo uu olole uga bilaabi doono dalalka Qurbaha , oo iminka ka soo bilaabay North America , kuna  wajahan yahay dalalka Europe.Daawo: Hadal Koobban Oo Prof.Axmed Ismaaciil Samatar Uu Ka Jeediyay Shir-weyne Lagaga Wada-hadlayay Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland

Uguna horayso London Uk

Waana arin aad ugu fool xun in uu Prof _ku uu laaluush qaato , isaga oo had iyo jeer odhan jirey waa in musuq-maasuqa iyo laaluushka lala dagaalamo , oo dalalka laga badbaadiyo .

Isaga oo ku khudbadayn jirey in uu isagu taageersan yahay xoriyadda iyo dimuqraadiyadda iyo sinaanta , uuna halgan ugu jiro ladagaalanka qabyaalada iyo madaxbanaanida iyo sinaanta iyo iyo .iw.

Prof : A.Samatar muddo dheer ayuu halgan iyo dagaal kula jirey dalka Somaliland iyo jiritaankiisa iyo gooni isu taagiisa , markii uu koonfurta Somaliya ku sugnaa .

Laakiin markii uu ka waayey wixii uu doonaayey ee lagu yidhi : waar waxan aad doonaysid ma geydid , xaqna uma lihid , mana helaysid weligaa , ayuu muraara dillaacii uu Somaliland isku soo tuuray oo yidhi : waan khaldanaa oo iminka ayaan khaladkaygii ogaaday aan 25 sano ku jirey .

Prof A.Samatar waxa loogu soo dhaweeyey dalka Somaliland sida geesiyada iyo madaxweynayaasha oo kale , wax badan ayey bulshadu iyo dhalinyaradu ka fileysay .

Laakiin abaalgudkiisii waxa uu noqday in uu ku biiro xisbigii Kulmiye ee talada dalka hayey , isaga oo waxoogaa lacag ah la siiyey , oo halkaa ku iibiyey mabaa dii dii uu odhan jirey waan aamin sanahay oo waan rumaysa nahay .

Iyada oo laga filaayey in uu ku biiro mid ka mid ah xisbiya mucaaradka ah , oo lays laha , arimo badan ayuu sixi doonaa oo xal u keeni doonaa , oo wax ka qaban doonaa , sida SIXIR BARARKA iyo MUSUQ-MAASUQA IYO CADAALAD DARADA .

Laakiin waxa uu noqday xunbo qudhay , oo wixii uu sheegi jirey oo dhan WUU METELAAYEY , SIDA AKTARADA FILIMADA

Saw ninkuba Filim ayuu inoo metelaayey , uu Hollywood ka soo bartay .

Waxaanu ka dhamaan waayey Hees IYO LIILALAW iyo Kaban uu marba dhinac u sito.

Bulshada Somaliland waa mid nasiib daran , oo maalinba , midbaa DAASAD BEEN ah u tumaaya oo ay moodayaan in uu run sheegaayo oo uu mabaa dii iyo akhlaaq iyo dhaqan suuban leeyahay oo ay kolba ku HUNGOOBAAN .

Maantana xisbigii dalka halkaa gaadhsiiyey ee ku tuntay xoriyaddii saxaafadda iyo dadka iyo xuquuqdii aasaasiga ahayd ee muwaadiniinta iyo caddaalad xumo iyo xaq darooyin aan lasoo koobi karayn

Ee dalkii oo dhan xaraashay ee dhulkii boobay oo hantidii qaranka xaraashay , oo wax qabadkiisii oo dhammi isugu biyo shubtay musuq-maasuq iyo laaluush iyo qabyaalad qaawan oo aan geedna loogu soo gaban .

Ayuu maantana Prof -ku uu u tafa xaytey in uu waxaas oo dhan ku taagero , shilimo yar awgood .

Waxaana cadaatay in aanu Prof -ku weligii arday madaw ama SOMALILANDER ah ama Soomaaliyeed aanu weligii Scholarship u qal qaalin ama u soo dhamayn .

Weligiiba naftiisa u noole ayuu aha iyo keligii cune , wixii uu sheegi jirey oo dhamina been iyo metelaad ayey ahayd .

Maantana kaasaynu baranay waxa uu gooyo , ee aynu dhawrno arintanu inta ay todobaadkan soo ifbaxayso ee uu qandaraaskii uu qaatey uu fulin doono , ee uu qurbaha soo mari doono ee uu ku danbayn doono dalkii , si uu xisbiga Kulmiye iyo Muuse Biixi qado ugu qaadaan .

Maanta dalka Somaliland badbaado ayuu u baahan yahay , markaa muwaadin kastaa waa inuu codkiisa iyo fartiisa ku ciil baxaa oo u codeeyaa cidda u dan ah dalka ee u daacadda ah ee u adeegaysa bulshada ee sicir bararka iyo abaaraha iyo musuq maasuqa ka saareysa .Markaa maanta ha khaldamin muwaadinaw ee codkaaga sii , cidda adiga iyo dalkaba badbaadineysa .

CALI MAXAMED BIIXI

caliwwelli@hotmail.co.uk