“Shacabku Ha Ilaashadaan Hantida Qaranka, Muddada Doorashada…….” Xildhibaan Bashiir Tukaale

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ku baaqay in muddada kooban ee ka hadhay Doorashada Madaxtooyada in la ilaaliyo, oo xil dheeraad ah la iska saaro Hantida Umadda, waxaanu sheegay in haddii la ilaalin waayo in lagu takrifalayo, oo la lunsanayo.

sssdddf

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddan Kulmiye muddo xileedkii ay taladda dalka haysay in laga dhaxlay sicir barar, qabyaalad iyo hantida umadda oo la musuqo, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xilli kala guura ah ayaa lagu jiraa, ee hantida qaranka wixii baaqiya ha la ilaaliyo, in badan baa hantida qaranka sida doona laga yeelayey oo lagu takrifalyey, ee maalmahaas kooban ee Doorashadii inooga hadhay, dadku ha ilaashadan hantidooda qaranka ee hadhay, haddii maalmahaas kooban la ilaalin waayo hantida umaddana waxa hubaal ah in sidii kuwii hore loogu takrifalay ee loo musuqay in loo musuqayo, oo hadhaw cid wax is weydiisa, iyo hanti laga wareego Xukuumaddan la waayi doono, ee il gaar ah ha lagu hayo hantida umadda”.
Xildhibaan Bashiir Tukaale Xukuumadda ayaa yidhi “Xukuumadda Kulmiye muddo xileedkii ay dalka maamulaysay, waxaynu ka dhaxalnay sicir barar, qabyaalad iyo hantida umadda in sida la doono laga yeelo, ee dadka waxaan leeyahay waxaynu u baahan nahay is bedel dhab ah, ee danteenu waxay ku jirtaa Xisbiga Waddani oo la doorto, ee Xisbiga Waddani aynu soo saarno”.
Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada, ee Golaha Wakiilada, ayaa guud ahaan Bulshada reer Somaliland ugu baaqay in aanay wax dhib ah u geysan dadka oromada ah ee dalka degan.