Deg Deg ]:- Musharax Cabdiraxmaan Ciro Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayo Oo Saaka Hargeysa Safar Kaga Jarmaadey + [ Halka Uu Ku Sii Jeedo ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxaa ay saaka safar kaga jarmaadeen magaalada Hargeysa .

IMG_3A9D02-5E66D7-6B6EF1-614CCD-0351D4-4F1331

Waftgan ayaa waxaa ay ku sii jeedaan magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal oo soo dhaweyn balaadhan loogu diyaariyey .

Soo dhaweynta waftigan ayaa waxaa si aad ah looga dareeemayaaa magaalada Borama , waxaana soo dhaweyntooda u diyaar ah kumanaan iyo kumanaan tageerayaasha xisbiga Waddani

Xisbiga Waddani ayaa sidoo kale la filayaa in uu saaka Borama ku soo bandhigi doono dhoolatus ka turjumeysa awooda uu xisbigu ku leeyahay gobalka Awdal