MAANA WALAN MISE CADANBA LAGA HEESAYA???

FB_IMG_1505970713263

Qudbad video ah oo madaxweyne Silaanyo warbahaahinta kula hadlayay sanadki 2015ki ayu Ku so bandhigay qaraxyo loogu magac daray #shaani oo lagu qarxin jirey agagaarka madaxtooyada jamhuriyada S/land iyado lagu baqo galinayey madaxweyne silaanyo si u uga cararo madaxtoyada s/land ama khasab lagaga dhigo musharaxnimada iyo dhisida korneeyl muse bixi cabdi aya qudbadaas wuxu madaxweynuhu Ku cadeyay in lo adeegsado shaani qaraxydaas sido kale waxaanu eeda ama danbiga qaraaxas dusha u saaray korneeyl muse bixi.
wasiirka arrimaha guudaha oo wakhtiga aha Cali Maxamed warancade wuxu isna shacabka u so bandhigay in qaraxyadaas uu qarxiyo korneeyl muse bixi iyo jiri uu wata sidaas awgeedna talaabo sharciya laga qaadi doono, sida ugu dhakhsaha badana sharciga la horkeeni doono,.

Taariikhdaas waxa laga jooga mudo laba sanadooda ama waxay Ku beegnayd 2015ki hadaba “hashu maankeyga gadaye ma mansaarbey liqday” shacabka reer hargeysa iyo ka Somaliland oo u dhagtagayay talabada laba qaadi doono kornerylka khalkhalka galiyay nabad galyadi lagu naalonayay iyo goorta jeelka loo taxaabayo maxkamadana la so taagayo aya mar qudha waxaay Ku war helen, hadal Ku noqday “maan baray iyo maan bilaal” hadan akhristow Ku yar sharaxo baray iyo bilaal, bilaal wuxu aha nin u shaqeeya baray abaheed sidaas awgeed maalin maalmaha ka mida ayay baray oo kabi ka dhamaden u timi abeehed waxney Ku tidhi aabo kabi aya iga dhamadaye ee adoon kenan bilaal maad laba kabood ii so siisid,
Bilaalna odaygi ayu u yimi ka dibna wuxu Ku yidhi adeer mudo dheer ayn Ku shaqeynayay sidaaas awgeed xaq ayn isku lenahay ee mad ii gurisid inantadan baray, odaygi labad qofba wuxu ogyahaye halkey kala joogan ka dib isagi ayay talo Ku cadaatay markasu intu madaxa gacmaha saaray yidhi maan baray iyo maan bilaal.

Waxa maahmaahdas uga dhigneeyd shacabka somaliland eedaysane korneeyl muse bixi Cabdi oo la eegayay in maxkamada la so taago oo ciqaabtisa la mariyo ka dibna jeelka mandheera la taxaabo aya mar qudha waxa lagu war helay wa murashaxa xisbiga kulmiye uga tartami doona Jagada madaxweynaha oo waxa laga reebaya ragi Kale ee xisbiga kulmiye ka sharaxna(( mana walan mise cadanba laga heesaya ))

Harta ta kobad korneeylku qaraxi shaanida iyo khalkhalki nabadgalayo darada wu Ku dalacay oo wuxu Ku helay murashax madaxweyne “” very hi jumping “”

Ta labad madaxweyne silaanyo danbilihi uu umada tusay ee casimada gaar ahaan madaxtooyada hareraheda qarxiyay marku murazhax madaxweyne ka dhigay ma lafahiisu uga baqay oo amaan ayu siistay qaranimadi S/land ??? Hadii ay jawaabtu tahay haa, madaxweyne silaanyo ninku naftiisa uga baqay caqligu Ku keenay Qaran dhan murashaxa uga dhigo??? Su’aasha jawaabteda idinka ayn idin dhafaya waxan ugu danbeyen Ku so kobaya qoralkan.(( ninkasto dakano galay, qolu dabada galiyo, danbi dhacay Masuul ma leh,markad hebel duqaaysa reer hebel danqanaya))

Alla Mahad leh

QALINKII:- Khadar Kaariye Cune