Xisbiga WADDANI Oo Xilal U Magacaabay Mas’uuliyiin Miisaan Culus Leh Oo Xilal Ka Soo Qabtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Burco (Salaanmedia.com)_ Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa mas’uuliyiin cusub oo xilal kasoo qabtay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo u magacaabay gobolka Togdheer.

2-9

Mas’uuliyiinta xilalka kasoo qabtay xukuumadda ee xisbiga WADDANI xilalka u magacaabay ayaa kala ahaa gudoomiyihii hore ee degmada Dhoqoshay Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) oo loo magacaabay inuu ahaa guddoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga WADDANI iyo waliba maareeyihii hore ee wakaalada Biyaha Burco Ibraahin Yuusuf Diiriye (Jirde) oo isna loo magacaabay guddoomiyaha Ololaha xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer.
Masuuliyiintan ayaa dhawaan ku biiray xisbiga WADDANI,waxaana ay xilal kasoo qabteen xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.

2-8-1

21935418_945153978969642_1007674729_n-1