[DEG-DAG:-]Murashax Cirro oo Socdaal Kedis ah Kaga Dhoofay Madaarka Hargeysa+ Marti-qaad Rasmi ah oo uu Ka Helay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya[+SAWIRO] Inbox x

[DEG-DAG:-]Murashax Cirro oo Socdaal Kedis ah Kaga Dhoofay Madaarka Hargeysa+ Marti-qaad Rasmi ah oo uu Ka Helay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya[+SAWIRO]1 

Hargeysa(SM):-Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo, ayaa galabta socdaal ugu baxay dalka Itoobiya, ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay rasal wasaaradaha dalkaasi Mr.Hailemariam Desalegn.2

Socdaalkan Murashax Cirro, ayaa waxa ku wehelinaaya hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weli ba Pro.Maxamed Alla-bari oo isna ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI, xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo sida oo kale madaxa hawl-wadeenada shaqaalaha ee Murashax Cirro Aqoonyahan Baashe Yuusuf.3

Murashax Cirro iyo weftigiisa, ayaa la filayaa in ay dalkaasi ku maqnaadaan muddo dhowr cisho ah, waxaana la filayaa in halkaas ay kulamo khaasa kula qaadan doonaan raysal wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Mr.Hailemariam Desalegn iyo madax ka tirsan dawladdiisa, ku waasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo khuseeya dhinacyada Somaliland iyo Itoobiya iyo weli ba sida oo kale doorashooyinka fooda ku soo haya Somaliland.4 5