Ururka Midnimo : Canbaareyn Go’aamadii ka soo baxay shir-beeleedkii Burco ee …..11th Oct, 2017

Ururka Midnimo : Canbaareyn Go’aamadii ka soo baxay shir-beeleedkii Burco ee …..11th Oct, 2017Warsaxafadeed

URURKA MIDNIMO : CANBAARAYN GO’AAMADII KASOO BAXAY SHIR-BEELEEDKI BURCO EE BAAL MARSANAA DISTOORKA QARANKA QODOBADIISA 8AAD & 9AAD.
Guddida Fulinta, Golaha Musdanbeedka iyo dhamaan xubnaha Ururka Midnimo waxay si mug & miisaan leh u canbaraynayaan go’aamadii kasoo baxay shir-beeleedki ka dhacay Burco tkh 8th October,2017. Waxaanu u aragnaa xad-gudub iyo meel ka dhac lagu sameeyay Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland Qodobadiisa 8aad & 9aad oo u dhigan sidan :
QODOBKA 8AAD SINNANTA MUWAADINIINTA . Kala sarraynta , takoorka iyo xulafaysiga ku salaysan qabiilka, isirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin……
QODOBKA 9AAD NIDAAMKA SIYMSADEED .
1).Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah dimuqraadiyad , hannaanka xisbiyada badan, nabad iyo talo-wadaag.
2). Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Ieeyahay in la doorto, waxna uu doorto.
Hadaba haddii aanu nahay Ururka Midnimo waxaanu ku boorinaynaa Maxkamadda Distooriga ah , Madaxweynaha Jumhuuriyadda Somaliland, iyo Hay’adaha Sharcidiginta ee ay khusayso inay si deg-deg ah u qaadaan tallaabooyinka soo socda:
A). In la xaraantimeeyo faafinta iyo ku-dhaqanka qodobadii kasoo baxay shirka lagu minjaxaabinyaao qaranimadda Somaliland.
B). In Xilalka laga xayuubiyo Wasiiradii & Xubnahii Dawladda ee ka qayb galay shirkaas isla markaana lala horgeeyo Maxkamad Sharci ah.
Ugu danabyn, waxaanu Bulsho Waynta Somaliland u cadaynaynaa in Ururka Midnimo u taaganyahay:
1) Ilaalinta distoorka, Qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
2) Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha , diyaarinta daraasado ku salaysan sidii loo samayn lahaa maalgashi wada jir ah sida wax soo-saarka beeraha ; warshadaha yar-yar iwm.
3) Ka qayb qaadashada dhamaystirka mashruucyada qabyada ah siiba jidka Erigavo-Burco- Hargeisa.
4). Dhiirigelinta is-hexgalka , iskaashiga iyo isbarashada bulshada rayidka ah ,siiba dhalinyarada, Aqoonyahanka , Culimaa’diinka, Madax-dhaqameedka iyo Haweenka.
5) Samaynta Guddi Cadaadis “ Pressure Group” oo Xukuumadaha Somaliland culays ku saara inay si cadaalad ah ugu qaybiyaan Gobollada Bari & Galbeedka Somaliland, mashruucyadda horumarinta ,kaabayaasha dhaqaalaha, mucaawinooyinka dibedda iyo adeegyadda bulshada.
WA BILAAHI TOWFIIQ.
GUDDDIDA FULINTA & GOLAHA MUSDANBEEDKA
AF-HAYEENKA URURKA MIDNIMO.
AXMED JAMAC “QODAX”, ALBERTA . CANADA.