War Murtiyeed goordhaw laga soo saaray Shirkii Kismaayo ee ay ku kulan san yihiin qaar ka mid ah maamulada Soomaaliya (Akhriso)11.10.17

Waxaa goordhaw War Murtiyeed laga soo saaray Shirkii magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland maalmahan uga socday Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira .
War Murtiyeedka shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay in ay yeesheen Shanta Maamul goboleed Golle ay ku mideesan yihiin, waxaana sanadka ugu horeeya Gudoomiye u doorteen Madaxweynaha Puntland Gaas halka ku xigeen uu noqday Madaxweynaha Hirshabelle Waare.


Waxaa sidoo kale War Muertiyeedka kasoo baxay Madaxda mamaul goboleeduyada looga hadlay Xiisada siyaasadeed ee ka jirta maamulka Galmudug, Khilaafka Siyaasadeed dalka ka jira, iyo arimo kale oo badan.

Halkan ka Akhriso Warmurtiyeedka Shirka Kismaayo