Dawlada Ingiriiska Oo Si Culus Indhaha Ugu Haysa Doorashada Madaxtooyada Somaliland Iyo 60 Goob Jooge Oo Ay Usoo Dirayso Somaliland..12,2017

Dawlada Ingiriiska Oo Si Culus Indhaha Ugu Haysa Doorashada Madaxtooyada Somaliland Iyo 60 Goob Jooge Oo Ay Usoo Dirayso Somaliland..12,2017

IMG_6290
Hargeysa(SM)Oct.12,2017-Dawlada Ingiriiska ayaa mar kale waxay cadaysay inay maalgalisay 60 goob jooge caalami ah oo kormeeraya doorashada madaxtooyada Somaliland,kuwaas oo doorashada ka hor dalka iman doona.
Xildhibaan Kerry MC Carthy oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa wasiiru dawlaha Ingiirska u qaabilsan Afrika iyo dalalka Barwaaqo Sooranka Rory Stewart,waxay waydiisay bal inay dawlada Ingiriisku Somaliland u dirayso goob joogayaal soo kormeera doorashada madaxtooyada Somaliland.IMG_6330
Wasiir Rory Stewart ayaa su’aashan kaga jawaabay
“Ingiriisku waxa uu lacag dhan 202,017 oo lacagta Ingiriiska ah ku bixinaysaa goob joogayaal caalami ah oo xoog badan oo kormeera doorashada madaxtooyada Somaliland ee dib ugu dhacday hadda qorshaysan 13 November.Kadib qandaraas lagu tartamay goob joogayaasha kormeeraya doorashada waxa hogaamin doona jaamacadda la yidhaahdo University College London.”sidaas ayuu yidhi Rorry Stewart.
Geesta kale xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa iyaga la filayaa inay goob joog ka noqdaan doorashada madaxtooyada Somaliland,waxaana ay arrimahani muujinayaan sida ay dawlada Ingiriisku indhaha ugu hayso doorashada madaxtooyada Somaliland ee loo dareeri doono 13 November 2017.

Salaanmedia/Hargaysa
Xigasho Geeska