Guddiga Cadaaladda Somaliland Oo Shaqadii Ka Eryay Garsoorayaal Iyo Xeer Ilaaliyeyaal+Tirada Garsoorayaasha Iyo Xeer Ilaaliyayaasha La Eryey+Sababta 12,2017-

Guddiga Cadaaladda Somaliland Oo Shaqadii Ka Eryay Garsoorayaal Iyo Xeer Ilaaliyeyaal+Tirada Garsoorayaasha Iyo Xeer Ilaaliyayaasha La Eryey+Sababta 12,2017-

Daawo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dalka Pro Adan X Cali Oo Soo Dhaweeyay Wareegtadii Madaxweynaha
Hargeysa(SM)Oct.12,2017-Guddiga baadhista kormeerka ee ka tirsan guddiga cadaaladda Somaliland ayaa gobolada Somaliland kusoo maray kormeer ay ku sameeyeen cabashada dadwaynaha ee dalka,waxaanay kusoo ogaadeen warbixin dhamaystiran oo saamaysay garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal guddiga cadaaladda ayaa warbixinta guddigaas ,iyada oo tixraacaysa waxay shaqadii cadaaladda ka eriday saddex garsoore iyo hal xeer ilaaliye,kuwaas oo ay qaarkood kamid ahaayeen kuwo loo soo jeediyey inay ku milmeen siyaasadda iyo ololaha xisbiyada dalka.
Halka guddiga cadaaladdu isku baddel ku samaysay afar xeer ilaaliye iyo laba garsoore,kuwaas oo ay guddiga dabagalka iyo kormeerku kusoo ogaatay cabashooyin laga muujiyay hawl maalmeedkooda shaqo.
sidoo kalena guddiga cadaaladda Somaliland waxa ay digniin u jeedisay hal garsoore iyo hal xeer ilaaliye kuwaas oo qayb ka noqday xisbiyada siyaasadda,digniintaas oo ah mid kama danbays ah .
Talaabada guddiga cadaaladda ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee laga qaado shaqaalaha dawlada ee ku milma axsaabta siyaasadda.
Ergan isku shaandhayntan iyo digniinahan guddiga cadaaladda ayaa samaysay inta badan garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal ka hawl galla gobolada dalka.

Salaanmedia/Hargaysa
Xigasho Waaheen