Madaxweyne SIILAANYO Oo Tacsi U Diray Marxuum Muxumed Cabdillaahi Shiraaqle Oo Ka Mid Ahaa Waayeelka Waayo Araga Ah Ee Caasimada Somaliland..October 12, 2017

Madaxweyne SIILAANYO Oo Tacsi U Diray Marxuum Muxumed Cabdillaahi Shiraaqle Oo Ka Mid Ahaa Waayeelka Waayo Araga Ah Ee Caasimada Somaliland..October 12, 2017

siilaanyo09
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Muxumed Cabdillaahi Shiraaqle oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu ahayd 11/10/2017, magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mid ka mid ah waayeelka waayo araga ah ee caasimada Somaliland, waxaanu ka mid ahaa odayaashii ka soo shaqeeyey arrimihii nabadaynta iyo dib u dhiska dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

—
Naasir Yuusuf Daahir
Director Presidential of Media
Hargeisa – Republic of Somaliland
Email: naska2007@hotmail.com
nasirnaska77@gmail.com
Tell: 63-4423774