Wasiirkii Gaashandhiga Dalka Somalia Cabdirashiid C/llaahi Maxamed Oo Is Casilay.12.10.17

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya Cabdirashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhow iska casilay xilkiisa, isagoo istiqaaladiisa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha.

image-1-150x150

ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijinaya in Wasiirka uu arrimo shaqsi isku casilay.
Shirka Golaha Wasiirada oo goor dhow soo dhamaaday ayaa laga sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga uu is casilay. Is casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka dambeysay wax yar un kaddib markii uu is casilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka Taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod.
Lama oga ujeedada rasmiga ah ee ay isu casileen sababaha ay isu casileen Wasiirka iyo Taliyaha.