[ Deg Deg] :- Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Galabta Dalka Ku Soo Laabtey Kana Hadley Iscasiladii Xildhibaan Nacnac + [ Muuqaal ]..12.10.17

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro Maxamed
Cabdilaahi Ciro iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtey ka dib safar laba maalmood qaatey oo ay ugu maqanaayeen dalka Itoobiya
Ugu Horeyn Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in warka ku saabsan safarkii ay ku tageen dalka Itoobiya uu ka mihiimsan yahay Xildhibaan Nacnac oo maanta shaaciyey in uu xisbiga Waddani Ku Biiray
Maanta warka ugu weyni kayga ma aha ee waa ka xildhibaan Nacnac , Nacnac waa odey culus oo ka tirsan golaha wakiilada , waa nin waayo Arag ah oo ah madaxweyne Siilanyo saaxiibkii ana waxaan ahay madaxweynaha Saaxiibkii” ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro

Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxaa uu ka war bixiyey ujeedka safar laba maalmood qaatey oo uu ku tagay dalka Itoobiya

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=1KkPB2-cEhk
Salaanmedia/Hargaysa