Laba Askari Oo Dagaalo Kasoo Baxay Iyo Laba Diplomacy Oo Caalamka La Soo Shaqeeyey Ayaa La Kala Dooranayaa

Bulshada reer Somaliland ee doorashada gelaysaa waa inay ka baxaan sheekada qabyaaladda iyo shugux shuguxda, rag iyo dumarba waxaa la soo gaadhay maalinta qudha ee talada dalka wax ku leedihiin ee go’aan qaadashadaaadu if iyo aakhiroba siday wax kuu tarayso dalka iyo dadkana u tarayso ayaa la soo gaadhay. Reer hebel intaad dhinac iska dhigtaan afartan nin miisaanka saara. Is aga Faysal arinkiisu waa nin dambiila ah. Laakiin labadan askari ee aynu garanayno ee imikaba iyadoon doorasho la gaadhin distoorkii wadanka jebiyey ee yidhi reer hebel iyo reer hebellaw inaagaa isu dhiidhiibayna een qarsan ma hadhaw bay distoor idiin ilaalinayaan waa wadan baabiis iyo kibir

IMG_2114

aan waxba haysan.
Labada dibloomaasi waad arkaysaa nin walawba sida ay sharciga wadanka u ilaalinayaan iyo dhaqan wanaagooda.Nin walba sidaa uu imika yahay ayuu buu madactooyada la tegayaa oo wax wadayaa. Imika Muse Biixi siduu kulmiye murashax ugu noqday waynu wada ogayn boob iyo inqilaab bay ahayd. Wadada uu soo maray ee uu musharaxa ku soo gaadhay ayuunbuu ku wadayaa hadduu galo madaxtooyada. Ciro madaxnimo waa laga sugi karaa oo imikaba wuu bixiyey Gudoomiye nimadii laakiin kuwa Muse madaxnimo ka daba sugaya ayaan habeen jirin.
Doorashadu way iska cadday cidda foodka ku guulaysanaysa:
Wadani ………..480 000
Kulmiye………..201000
Inta soo waa faysal iyo wixii cirka u tuura.
Labada boqol ee kulmiye helay na mabuu heleen ee waa wixii la kala iibsaday iyo dadka la khalkhaliyey ee go,,’aan ka aan iskood u gaadhi karin.
Wadanku maanta uma baahna caadifad ee caqli buu u baahanyey.
Taariikhda dib baa loo raacaa labadaa madaxweyne doon midna wuxuu la dabeecad yahay Cabdirashiid Cali Sharma arke(ANJ) ha ka waraabiyee oo Cabdiraxmaan Ciro ka kale wuxuu la dhaqan yahay Afweyne oo waa Muse Biixi. Shacabow arintani idinkay idiin taal.
M Bashe,(Meerkat)