Shirkad laga leeyahay Imaaraatka oo maanta lagu wareejiyay Dekadda Boosaaso (Daawo Sawirada)..12.10.17

Waxaa maanta Dekadda magaalada Boosaaso lagu qabtay munaasabad balaaran oo maamulida dekadaasi lagula wareejinayay Shirkada DP World ee laga leeyahay Dalka Imaaraatka Carabta.

Munaasabada lagu wareejinayay Dekada Boosaaso waxaa ka qeyb galay Wasiiro katirsan maamulka Puntlanad, Maamulka gobolka Bari, Ganacsato, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Puntlanad ayaa horey heshiis uu ku wareejinayo dekadda magaalada Boosaaso ula galaly shirkada DP World, waxaana heshiiskan Cabdiweli Gaas uu ka faa’iiday dhaqaale aad u badan.

Shirkada DP World ee Imaaraatka Carabta laga leeyahay ayaa balan qaaday in ay dib u dhis iyo balaarin ku sameyn doonto Dekada magaalada Boosaaso, waxa ayna Shirkada si toos ah ula wareegi domntaa maamulida iyo howlaha kala duwan ee Dekadda Boosaaso.

Waxaa sidoo kale dhawaan la filayaa in Shirkadan laga leeyahay Imaaraatka ula wareegto Dekaddo kale oo kuyaala Soomaaliya sida Dekadda Baraawe, waxa ayna horey Shirkadan ula wareegtay maamulida Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland.