Warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan diginiin madaxdhaqameedka ka fogaaday milkaha iyo sharafta madaxdhaqameedka.

maqaalBismillahi arramanirraxeem.dhammaan ummadda reer somaliland iyo warbaahinta waxaan idin leenahay asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan digniin madaxdhaqameedka ka fogaaday milkaha iyo sharafta madaxdhaqameedka.

Ku: Madawaynaha jamhuriyadda  Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamud.

Og:labada gole Guurtida iyo golaha wakiillada.

Og:hay,daha nabadgelyada iyo ilaalinta dalka.

Og:Xisbiyada qaranka.

Og: bulshada reer Somaliland.

Annaga oo ku hadlayna magaca jaalliyadaha kor ku xusan waxaa fajac iyo u qaadan waa nagu noqotay madaxdhaqameedka dalka qaarkood oo ka leexday xilkii loo igmaday kaas oo ahaa in ay ka taliyaan nabadgelyada dalka iyaga oo qaarkood u leexday beelaha Somaliland in ay kala fogeeyaan ujeeddo ay ka leeyihiinna shacabka walaaha ah ee Somaliland aanay fahmin

Waxaanu ugu baaqayna cidda ay khusayso xubnaha u xusulduuban in ay kala fogeeyaan shackabka walaaha ah in lagu qaado waxa sharciga dalku ka qabo fidno abuurka oo aan la sii eegan inta aanay ummadda walaalaha ah dhibaato ka dhex abuurin.

Allah ayaa mahad oo dhan iska leh

Deeq Cabdi Digale