“Labaatan Cisho Ka Dib Waa La Kala Badinayaa Cid Gumoobaysaana Ma Jirto, Somaliland Waxay Codkeeda Ku Muujinaysaa Cidday Doorato Ciddaasaana Talinaysa” Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Isbar-bardhig Ku Sameeyey Siyaasadda Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE

xirsi-150x150

Hatgaysa (Salaanmedia.com)_ Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji oo shalay ka qeyb galay Xaflad loogu soo dhaweynayey Taageerayaal kusoo biiray Xisbiga Waddani kana soo diga rogtay Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye sheegay in doorashadii ay ka hadhay mudo ku siman 20-cisho, islamarkaana sheegay in dadka dooranayaan cidii ay u arkaan inay ku haboontahay hogaaminta masiirkooda isagoo cidaasina ku ku tilmaamay Xisbiga Waddani.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ugu horayn ka hadlayey munaasibadasi ayaa yidhi “ Waxaan u mahad naqayaa Dhalinyarada quruxda badan ee Habalaha iyo Wiilasha leh ee Mustaqbalkooda u hibeeyey inay la garab istaagaan Xisbiga guusha iyo rajada Somaliland ee Waddani” ayuu yidhi hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu hoosta ka xariiqay in Xisbigooga Waddani ay wadaan Barnaamij cad oo ummadu ku qanci karto halka dhigooda Kulmiye uu waddo beelo isagu tahay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaa halkaa ka muuqata xooga Dhalin-yarada iyo Barnaamijkii Xisbiga Waddani Xisbiga Kulmiyena wuxuu iibinayaa Beelo isu tagay Laba beelood oo isu tagay buu Iibinayaa Beelaha Dadkiisiina iyo Aqoonyahankiisiina waa kuwan wuxuu leeyahay Beelaha aanu ka midka nahay ee xoogaasi ka midka yihiin ee aqoonyahnkaasi ka midka yahay ee rug cadaagaasi ka midka yahay ee dhinacayga midiga taagan yahay Ismaaiil Yare dhinacayga kalena uu taagan yahay Abiib Diiriye oo ilaa iyo SNM ragii ugu horeeyey ee talaabay ahaa Dawladihii kala danbeeyey qayb ka ahaa oo garanaya qiimaha Bulshadu ku leedahay Kulmiye ayey ku tusinaysaa inaan Dadka noocaas ahi u qiimaysnayn ee kaliya inay laba Oday isu keenaan odayasha wanau ixtiraamaynaa waxaan leenahay odayaasha waad mahdsan thiin doorkiinana waanu ogolnahay dhaqankana waanu ogolnahay inaad ka talisaan Nabadna ku taliya” ayuu yidhi hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda hadana ah hogaamiyaha Waddani ayaa sheegay inay diyaar u yihiin tartan xor ah oo xalaal ah “Waa tartamaynaa tar-tankana isha allaahu tacaalaa waxaa inooga hadhay labaatan cisho iyo waxaan ka badnayn Tartanka labaatan cisho kabacdi waa la kala badinayaa cid gumoobaysa ma jirto Somaliland waxay codkooda ku muujinaysaa ciday doorato ciday doorataaana isha allaahu tacaalaa waa Xisbiga Waddani.
Sidoo kale Hogaamiye Xirsi waxa cadeeyey inay ku farax san yihiin mawjadaha dhalinyarada ah ee cudodooda iyo caqlgoodaba kusoo biirinaya Xisbiga Waddani waxaana uu fariin u diray dhalinyarada “Dhalin-yarada xooga Dalka meel walba jooga waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inay fariintii gaadhay ahayd inay xoogooda muujiyaan oo isla barbar taagaan Waddani, waxaa tartamaya Reer-nimada iyo Dhalinyaro-nimada waxaa tartamaya Qabyaalada iyo Qaranimada Aqoonta iyo Jahliga ayaa tartamaya waxan ogahay oo aanan dafirayn in Aqoon yahan joogaan Kulmiye ee Aqoon yahanka jooga Kulmiye ay cuna duuban yihiin oo meel uu ku muujiyo Aqoontiisa iyo fikradiisa ha hayo laakiin waxaan tusaynaa in halkan Xisbiga Waddani Aqoonyahanka joogaa in fikradiisa meel uu ka muujiyo jirto oo dhalinyaradu meel ay ka muuqato oo ay Aqoontooda ka muujiso yahay, Xisbiga Waddani iyada oo aan marnaba la dafiri karayn doorka odaygu leeyhay doorka siyaasigu leeyhay iyo doorka Haweenku leeyhay iyo doorka dhammaan reer Somaliland leeyihiin waxaan leeyahay Somaliland guul isha allaahu tacaalaa Musharaxana waxaan leeyhay aayar kusoo Deg guulayso Waddani Guul Somaliland Guul” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan Hogaamiyaha Xisbi Mucaaridka Waddani.