DHAMBAALKII AXMED MIRE OO SI ADAG U DAMQAY DADKA KULMIYE KU TAABACSAN REERNIMADA: FAALO

IMG_6655

Hargaysa.(Salaanmedia.com)_ Dhambaalkii Axmed Mire oo si Adag u Damqay Dadka KULMIYE ku Taabacsan Reernimada!
Hargeysa(HWN):-Mujaahid Axmed Mire Maxamed oo ka mid ahaa foolaadkii saraakiishii millatari ee ururkii SNM, ayaa qoraal uu soo saaray Sabtidii kaga hadlay xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka jirta Somaliland, waxaanu dhaliyay dhambaalkiisu saamayn xoog leh.
Mujaahid Axmed Mire wuxuu maqaalkaas si farshaxanimo ah ugu kaga hadlay halista qabyaalada xididkeeda ay abqaaleen xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE oo saamaynteeda tabani halis ku hayso wadajirka bulshada. Waxa uu si cad u iftiimiyay musuqa xadhkaha goostay iyo hantidii ummadda oo loogu tasarufay sida hantida gaar ah oo kale. Waxa kaloo uu taabtay in adeegii caddaaladeed ee waddanku noqday mid u hiiliya hantiileyaasha iyo kooxda mindida daabkeeda haysa.
Mujaahidku wuxuu qoraalkiisa ku bayaamiyay inay waddanka

khatargelinayaan siyaasiyiin uu ku eedeeyay inay sadqeeyeen SNM isla markaana ay lugta qabteen dawladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray.
Axmed Mire waxa uu ka dayriyay isbahaysiga labada reer ka kooban ee la magac baxay (JEEGAANTA) ee ku shuraakoobay inay ku kaayaystaan talada Somaliland, waxaanu ku dooday in maamul ardaayo gaar ahi xuurtaystaan uu khatar ku noqon karo wadajirka ummadda reer Somaliland.
Mujaahidku wuxuu caddaystay badhaadhihiisa, waxaanu dadka lexjeclada ka qaba qaranimada Somaliland uu u soo jeediyay inay codkooda siiyaan xisbiga WADDANI. waxaanu madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo jeediyay inuu taariikh wanaagsan ka tago oo uu Somaliland ka hirgeliyo doorasho xor ah oo qof iyo cod ah.
Haddaba, waxa dhambaalkii Axmed Mire sida dhimbiisha uga dhalaalay siyaasiyiinta iyo taageereyaasha xisbal-xaakimka KULMIYE oo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu ladh cusub ku abuuray, iyagoo kaadiriinta xisbigaasi ay muddo isku maaweelinayeen inaanu qoraalkaasi ahayn mid ka soo fulay Mujaahidka, waxaanay ku doodayeen inay curiyeen ama dhexda ka soo alifeen dad ku xumaynaya Mujaahidka oo shaadhkiisu nadiif ka ahaa dhiriqda siyaasadeed ee ka jirta Somaliland oo uu ka dhex bay in ka badan labaatankii sannadood ee la soo dhaafay.
Maqaalkan waxa uu noqday kii ugu akhriska badnaa, waxaana aad looga daalacday Wargeyska Geeska Afrika oo ugu hor daabacay iyo warbaahintii kale ee ka sii xigatayba, waxa ka akhriyay kumanaan qof oo qaarna la dhacsanaayeen, qaarna weer ka xidheen. Waxa cirka geeyay xiisaha maqaalkan waxay ahayd Axmed Mire oo muddo dheer ka mid ahaa daawadeyaasha madaxa-bannaan oo aan ku jirin jileyaasha wejiyada joogtada ah iyo dulucda fariintiisu xambaarsanayd oo ahayd mid xasaasi ah.
Cali Guray ayaa noqday siyaasigii ugu horreeyay qoraalkan kaga jawaabay bartiisa Facebook oo uu dhawr jeer iskaga dabogeeyay qoraalo uu Axmed Mire wax ka saarayo masuuliyado dagaaladii waddanka ka dhacay horaantii sagaashanaadkii, waxaanu xisbigiisa ka difaacay eedaha xidhiidhsan ee uu Axmed Mire u jeediyay.
Cali Guray oo kaliyi kamuu sariigan dhawaaqa Axmed Mire ee taageereyaasha KULMIYE ee saxaafada bulshada ayaa qaylo iyo naqdi kaga falceliyay.
Waxa sida dhaqanka u ah isna jaanis ka helay Boqor Buurmadow oo sida qaalibka ah fursado siyaasadeed ka dhigta sheekooyinka noocan oo kale ah oo uu ka kalluumaysto. waxaanu si xanaf abuur ah uga hadlay Aragtida Axmed Mire, isagoo meel kale ka fudkudiyay, isagoo beelo u beddelay.
Boqor Buurmadow ayaa ku adkaystay inay dib u samaysteen JEEGAANTA labada ardaa, kadib markii ay arkeen in xisbiga WADDANI ay siyaasadiisa ka dhex muuqdeen siyaasiyiin Soomaali weyn aaminsanaa oo uu la jeediyay siyaasi Ismaaciil Buubaa.
Dadka ka madaxa-bannaan siyaasaddu, waxay dareenka Axmed Mire ku sifeeyeen inuu dhaliilo waaqici ah oo jira uu kaga hadlay. Waxa kaloo falanqeeyeyaasha fikirkan qabay ku doodayeen inuu si siyaasiya oo bisil uga hadlay musuqa, siyaasad xumada iyo qabyaalada Somaliland ku jiridaysatay toddobadii sannadood ee la soo dhaafay, gaar ahaanna ay sii naaxday intii Muuse Biixi Murrashaxa noqday.

Qoraalka Axmed Mire maxaa sida looga gubtay?

Ma waxa uu ku hadlay wax ka duwan wixii ay Cali Guray iyo siyaasiyiin kaleba ay ku eedeyn jireen Muuse Biixi iyo xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday intay mucaaridka ahaayeen? Jawaabtu waa maya oo wax ugub ah oo deelqaaf ahi kama soo yeedhin mujaahidka, haseyeeshee waxa uu damqay taageereyaasha KULMIYE Kula safan reernimada oo jeclaa in Axmed Mire aanu taageerin xisbiga WADDANI oo uu iska sii ahaado mid ka af xidhan miidaanka siyaasadda Somaliland.