DOODI XALAY NIN NIN U MUUQDO,NIN KURSI U MUUQDO IYO NIN DALKU U MUUQDO 20th Oct, 2017

 maqaal

DOODI XALAY NIN NIN U MUUQDO,NIN KURSI U MUUQDO IYO NIN DALKU U MUUQDO.
QALINKI KH.KAARIYE

Xalay waxay ahayd habeyn taariikhiya oo aan hore Somaliland loga baran, waxaynu mujiney talabooyinka aynu xaga dimuqradiyada u qaadnay,

Shacabkena waxa xalay u kala cadaatay murashaxa ay Ku amino lahayen mustaqbalka waddankooda ,waxana dooda ka so baxday sadex nin oo midba wax u muuqdan, hadeynu eegno nin walba mustawihi doodisa waxa inoga so baxay nin nin u muuqdo iyo nin kursi u muuqdo, iyo nin dalkisa iyo dadkisu u muuqdan sidu u badbadin lahaa,hadeynu ku bilowno.

1. Eng. Faysal Cali waraabe murashaxani wuxu u muuqday nin nin u muuqdo oo ciil siyasadeed oo raagay hayo oo islaha ku aar goso dooda marka wuxu sameeynayay qandaroofoyin iyo xagtimo faro badan waxanu Ku mashquuley, murashax kale wax ka sheegisa isaga intaasa inagaga filan.

2. Mujahid muuse bixi cabdi nin Kursi u muuqdo ayu ahaa isaga waxa haya mushkilad xaga aqoonta iyo khibrada ah wuxu u muuqda nin logu so sheekeyay dhaarti ayuunba Ku hadhsan gar iyo gardaraba awooda cidamada iyo hantida qaranka ayanu kugu fushineyna sidaas awgeed wuxu u eeka muse bixi nin gudcur xaabeysanaya, nin gudcur xaabeysanaya wuxu halis u yahay inu mas qori moodo oo u qaato ama saxaro jidhif moodo oo u qaato marka Mujahid muse bixi wa ninka gudcurka xabeeysanaya.

3. Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi nin ay u muuqto maamul xumida waddanka daashatay murashaxan ay u muuqato badbaadad dadkisa iyo dalkiisa, wuxu ina tusay rajo bidhan ka muuqata oo ino dhow waxaan inagaga filan,
A. Cidamada qaranka oo mushahrka uu u kordginayo, caruurtoda iyo xasaskoda oo u daryelidona xaga hooyga .cafimadka waxbarashada.
B.Dowlada u so dhisayo oo ah doqlad tiro yar oo tayo badan, wasiir qofka laga dhigayo oo hantidiisa la tiro koobi doono si lo xakameyo musuqmaasuqa xakamaha goostay.
B. Cadalada iyo maxkamadaha waxa uu sameyn doon kormeerayal la socdada shaqadooda waxanu xukaamta si fican oo cadalada u shaqeeya la siin dona abaalmarin lacaged iyo shahaado sharaf.

Hadana muwadin mustaqbalkaga muraahaxad Ku aamineyso ha Ku dooran qabyalad iyo nin jecleysi ee waxad Ku doorata aqoon,khibrad,sumcad iyo karti wa in aanu noqon murashax xajin leh ama godobeysan wa in shaadhkisu cad yahay oo aanu lahayn waxa godoba,

Muwwadin hadi qofka xorta ahi aayahisa baabiyo naftisa mooye cid Canaan Ku lahi ma jirto.

Ala Mahad leh

Qalinkii:- Khadar Kaariye Cune