‘’UCID Waa Xisbiga Ugu Da’da Wayn,Hadana Xaga Koritaanka Waa Ka Ugu Liita”.Siyaasi Cali-Guray Oo Lafo-Gur Ku Sammeeyay Doodii Musharaxiinta Ee Xalay.20.10.17

Cali-Guray Oo Lafo-Gur Ku Sammeeyay Doodii Musharaxiinta Ee XalayOctober 20, 2017

Cali-guray
Waxan daawanayaa oo aan filayaa in saaxiibo kalena ay ila daawanayaan dooda musharaxiinta xisbiyada ee u tartamaya jagada Madaxwaynaha. Marka ugu horaysaba waxan saluugay ujeedada dooda laga leeyahay oo aan odhanayo waa mid wayd(narrow) ah. Cali Seenyo oo aan isaga laftiisa saluugsanahay sida uu u daadihinayo madasha dooda ayaa xusay in ujeedada laga leeyahay doodu ay tahay in “kiinii guulaysta waxa uu halkan ka shhego berri lagula xisaabtamo inu ka rumeeyay in kale@. Markaa kuma jirtoba in sedexda musharax lagu qiimayn karo iyada oo laga duulayo ama ay ku jirto waxa laga yaqaan shakhsi ahaan iyo xisbi ahaan goldaloolooyinka iyo xilgudashada intii ay xilalka hayeen ama ay xisbiyadaba hogaaminayeen.
Tusaale ahaan UCID waa xisbiga ugu da’da wayn hadana xaga koritaanka waa ka ugu liita. Mudadii uu jiray ucid waxa hogaamiye u ahaa ilaa hadana u ah Faysal Cali Waraabe, Faysal wuxu ku celcelinayaa inu yahay shakhsi hogaamin kara oo dhisi kara qaran. Laba sua’aalood waa muhiim in Faysal uu ka jawaabo ucid oo isagu uu hogaaminaya tan iyo markii la asaasay dhamaan fursadihii musharaxnimada uu isagu qaatay sedex goor oo labadii horeba uu la dhacay markii sedexaadna uu taagan yahay tartankana ay muuqato inu yahay ka ugu liita oo xisbiga la tartamaya Kulmiye uu yahay WADDANI oo toban sanadood ka da’ yar ucid. Sua’aashu waxay tahay siduu Faysal dadka ugu qancin karaa in ay taageeraan isaga oo ku fashilay hogaamintii xisbigiisa?. Ninka xisbi dhisi kari waayay miyaa laga rumaysan karaa inu qaran dhisi karo?
Faysal labada daqiiqadood ee hadalka uu leeyahay wuxu weerarayaa ama naqdiyayaa labada musharax ee kale ninka dooda daadihinayaa mar jeliya kamuu joojin waana qalad. Sua’aasha la waydiiyo Cirro ama Muuse jawaabta iyaga ayaa leh Faysal isaga oon jawaabta mushariixiinta kale weerarin waxay ahayd in isna tiisa uu toos uga jawaabo sida kuwa kaleba aanay mar keliya aanay u soo qaadin wixii uu tawtabinayay ee kanaan samaynayaa iyo keer baan samaynayaa.
Cabdiraxmaan marka xisbigiisa lagu qiimeeyo adigu dee waa kaa xisbigii ugu da’da waynaa xaga dambe iska mariyay ee isagu ku dherersanaya xisbul xaakimka ee la tartamaya. Laakiin Cabdiraxmaan isaga oo faanaya wuxu yidhi anigu kursi wasiir ka wayn baan hayay oo 12 sanadood baan ahaa Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada afartan sharci in ka badanna waa la diyaariyay muddadii aan xilka hayay.

Markaa waxay u goysaba waa lagu qiimayn karaa hogaamintiisa iyo shuruucda danaha gaarka ah laga lahaa sida Xeer Lam 14.
Muuse Biixi sida Faysal marka hore waxa lagu qiimayn karaa hogaamintiisa xisbiga Kulmiye oo uu marna Gudoomiye xigeen ka ahaa marna Gudoomiye ka ahaa. Kulmiye laba goor ayuu Madaxwayne u tartamay oo markii hore uu ku waayay 80 cod oo udub dheeraaday markii dambena wuxu ku guulaystay 50%. Maanta oo uu Muuse Biixi ka yahay Gudoomiye isla markaana uu Masharaxiisa jagada Madaxwayne. Sua’aashu waxay tahay Kulmiye halkii uu joogay ma hoos buu uga dhacay mise kor buu uga kacay oo mar labaad inu doorashadanna ku guulaysto oo weliba in ka badan 50% uu ku soo baxo ayuu u dhawyahay.
Tan kale dooda Muuse oo dhami waxay salka ku haysay in uu leeyahay waayo aragnimadii muddadii 7da sanadood ee xukuumadda Kulmiye oo wixii u qabsoomay ogyihiin, qabyada u taalana ogsooyihiin, xataa wixii ka qaloocday ama horeba u qaldaanaa intii aan Kulmiyeba xilka qabanina ogyihiin Barnaamijka xisbiga Kulmiyaha ee shanta sanadood ee soo socdaana uu halkaa ka dhaqaaqayo kana sii ambaqaadayo si qoto dheerna looga baaraan degay.
Markaa qofba waa sidii uu u arko doodanna looguma talogelinba qiimayn oo ujeedadiisuba maaha lakiin aniga waa wixii aan kala soo dhexbaxay. Kamana waabanayo in aan idhaa kubadda waxa wataa Musharaxa Xisbiga Kulmiye. Wa bilaahi tawfiiq
Qodobka dhinaca amniga sedexda midna jawaabihii ay bixiyeen igumay filayn sababtana waxan ku baqdiyi doonaa qaybta 2aad
Siyaasi Cali-guray oo ka tirsan KULMIYE