Daawo:Hadalo Musharax Muuse Biixi Ka Yidhi Doodii Xalay Oo Durtaba Duufaan Kaga Kicisay Gobalka Awdal Iyo Madax Dhaqameed Afka Furtey Eedena Ku Hurgufay..20.10.17

Hadalo habeenkii xalay aheyd musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye
Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey doodii loo qabtey saddex Musharax ayaa waxaa ay durtaba kacdoon iyo duufaano ka kicisay gobalada dalka qaarkood gaar ahaana gobalka Awdal

Hadaladan reer Awdal ay ka gil gisheen kuna tilmaameen been abuur ayaa waxaa uu yahay ka dib markii Muuse Biixi uu sheegay in la dhameeyey tabashadii saami qeybsiga ee reer Awdal ka qabeen xukuumada , taas oo ay reer Borama si cad u beeniyeen , cadeeyeena in tabashadii ay wali taagan tahay

Suldaan ka mid ah madax dhaqameedka gobalka Awdal kana mid ahaa guddidii tabashada ee ka socdey gobalka Awdal ayaa waxaa uu hadaladaasi ku sifiiyey been Cad oo Muuse Biixi ula badheedhay reer Awdal waxaana uu nasiib daro ku tilmaamay ereyadaas ka soo yeedhay Musharax Muuse Biixi oo maanta cod ka doonaya waxaa uu reer Awdal cod dheer ugu baaq in Muuse Biixi ka fiirsadaan codka ay siinayaan madaama oo uu sidaas u hadalaayo