DOODII 3 MUSHARAX EE SOMALILAND: NIN WUU IS SHEEGAY, NINA WUU IS SHEELAY, NINA SHAYDAANBAA KA JIIDHAY OO WAJIGIISU MA FIICNAYN..21.10.17

Ugu horayn ASC shacbiga somalilandoow gude iyo dibadbaMusharaxiinta

DOODII 3 MUSHARAX EE SOMALILAND: NIN WUU IS SHEEGAY, NINA WUU IS SHEELAY, NINA SHAYDAANBAA KA JIIDHAY OO WAJIGIISU MA FIICNAYN

Intaa waxa ii raaca, Doodii 3 musharax ayaa ahayd mid si cilmiyaysan loogu shay baadhayay Bisaylka, Dulqaadka, Waayo-aragnimada iyo Siyaasada 3-da masuul ee u baratami doona doorashadan ololaheedii aynu galnay.

Hadaba waxaan muran ka taagnayn in Dadkeenu ay leeyihiin arkiifiyo aan ahayn tan aduunku isticmaalo, balse waa mid aan anigu u bogayoo waa arkiifiyo ku la wadaago oo qof waliba ka kale wixii ka dhiman ugu daro, waa Arkiifiyo ku dhextaal: KAYDKA MASKAXDA!

Dadkeenu waxba ma ilaawaan! Khaasatan habdhaqanka wanaagsan iyo ka fidmada ah ninkii SIIDHKIISA beera kagama masuugaan shacbiga Somaliland.

Anigoon ku guda dhacayn falanqaynta doodii musharixiinta, waxaan jeclay inaan idin xasuusiyo habka iyo sargooyada ay dadkeenu wax ku cabiraan. Taas waxaan uga jeedaa waxay dadkeenu ku celceliyaan markay rabaan inay salka u dhigaan Xaajo Qaran sadexdan xigmadood: \

1 – Cibaadadiisa! Masuulku waa inuu isagoo doodiisa wadan doona hadalkiisa ku bilaabaa Amaanta ilaahay ama Bisinka. Habdhaqankanaa suubaani wuxuu ka turjumayaa, Cabsida Illaahay iyo Adeecida Sunaha Rasuulka CSW. Shardigani waa ka koobaad.

2 – Waxa kale oo ay ku Celceliyaan dadkeena wanaaga jecli: Dagaal Wiil baa ku dhintee, Wiil kuma dhasho!

Ximadan koobaad oo kale, Codeeye is waydii in 3 musharaxa ma ka fayaw yihiin hawl Colaad hurin!!!!?????????????

2 – Dugsi ma leh Qabyaaladi waxay dumiso mooyee (Gabaygii Tima Cade IHN).

Codeeye is waydii in 3 musharaxa ma ka fayaw yihiin Qabyaalad aanu midna reerkiisa ku raacin Dagaal ay la galeen Qabiilkale!!!!!!!!!!!?

Hadii qof masuul ka soo noqday Qaranka Somaliland labadaa aan kor ku sheegay midkood soo maray ama kazoo qayb qaatay, waxa lagu nisbeeyaa ama public diagnosis ku uu soo saaraa natiijada ah: QARAN DUMIS POSSITIVE ++++++

Waxaan hadaba usoo jeedinayaa shacbiga codka laga doonayo, wax iswaydiiya taariikhda 3 masuulna dib u raaca dabadeedna idinkoo u eegaya RAAD RAACA LABADA QODOB EE KOR KU XUSAN, ugu codeeya hadba sida ay ugu kala calaf qaadaan. Saamayn ma keeni karo fikir meelahaa internetka lagu soo qoray hadii aanu ku salaysnayn: Hab dhaqan bulsho leedahay ama caado maamul oo soo jireena. Ilaahay hayna waafajiyo dariiqa toosan AAAAAAAAAAAMIIIIIIIIIIIIN AAAAAAAAAAAAAAMIIN.\

Hal-hayskaygu waa kaygii hore ee ahaa: Shakhsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo taasaynu isku ognay akhristeyaal
SANWAA CUMAR YARE

Freelance Political Commentator

E-mail: politicianbynature@outlook.com