Home Articles Boqorka Sacuudiga Oo Dhambaal Qaldan usoo diray Madaxweyne Farmaajo !!October 21, 2017

Boqorka Sacuudiga Oo Dhambaal Qaldan usoo diray Madaxweyne Farmaajo !!October 21, 2017

Boqorka Sacuudiga Oo Dhambaal Qaldan usoo diray Madaxweyne Farmaajo !!October 21, 2017

boq-390x220Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis waxa uu Madaxweyne Farmaajo u soo diray Dhambaal  uu ku sheegay inuu ugu hambalyeeynayo Munaasabadda Maalinta Qaranka Somalia oo ku beegan bishan Oct. 21-da,  waa sida lagu xusay Dhambaalkaasi.

Sidoo kale, Dhaxal-sugaha Boqortooyada, ahna Ra’isul-wasaare-xigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan  Bin C/casiis waxa uu isagana Khadka Telefoonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo oo uu ugu hambalyeeyey waxa uu ugu yeeray Munaasabadda Maalinta Qaranimadda Somalia.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa baahisay Dhambaallada ay Madaxda dalkaasi u soo direeen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna Boqorka iyo Wiilkiisa  u rajeeyeen Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed inay ku waaraan horumar iyo Barwaaqo.

Dhambaalkaasi ayaan lagu soo beegin Munaasbada Maalinta Qaranimadda Somalia,, iyadoo la og yahay in 1-da Luulyo ee sannad kasta si heer sare ah loogu dabaal-dego Maalinta Qaranimadda Somalia.

Borotooyadda Sacuudiga iyo Madaxtooyadda Villa Somalia midna dib uma sixin inaysan Munaasabadda Maalinta Xornimadda Somalia ku beegnayn 21-ka Octobar.

Docda kale, Dhambaaladda Sacuudiga ayaa lagu soo beegay sannad-guuradii 48-aad ee ka soo wareegtay Maalintii ay Milliteriga Afgembi ku qabsadeen Talada dalka bishii October 21-dii ee sannadkii 1969-kii.

Marxuum Jeneral Maxamed Siyaad Barre ayaana hoggaminayey Kacaankii October, wuxuuna talada dalka majaraha u hayey tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii 1991-kii.

Xigasho Radio Dalsan