Dood Ka Taagan Xeerka Jinsiyadda Oo Jideynaya, In Dhalashada Lagala Noqdo Gabadha Reer Somaliland Ee Guursata Wiil Ajaanib Ah

“In Inanta Guursata Wiil Soomaaliyeed loola dhaqmo Inan guursatay Nin Kiristaan ah waa khalad, waana la sixi karaa….” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Mid Ahaa Golihii Wakiillada Ee Xeerkan Ansixiyey

Hargeysa-1-150x150

Waxa Magaalada Hargeysa lagu qabtay Kulan lagaga dooday Xeerka Jinsiyadda ee Somaliland, kaasi oo Qodob ka mid ahi dhigayo in Inanta u dhalatay Somaliland ee Guursata Wiil aan Reer Somaliland ahayn ay Waayeyso Dhalashadeeda Somaliland.
Kulanka Arrintan lagaga dooday oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Falan-qeynta Siyaasadda ee CPA, ayaa waxa ka qayb-galay Xildhibaanno, Gar-yaqaanno, Xubno ka socday Xisbiyada Qaranka iyo Haween ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah, ayaa waxa lagaga dooday sidii wax looga beddeli lahaa Xeerka Jinsiyadda ee Qodobka ka mid ahi dhigayo in Gabadha Reer Somaliland ee guursata Qof aan reer Somaliland ahayn ay waayeyso Dhalashada.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Somaliland ee Sannadkii 2002-dii ansixiyey Xeerka Jinsiyadaha, imikana ka mid ah Golaha Wakiillada, oo kulankaa ka qayb-galay ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in wax laga beddelo Qodobka Dumarku doodda ka qabaan, waxaanu yidhi “In Inanta Guursata Wiil Soomaaliyeed loola dhaqmo Inan guursatay Nin Kiristaan ah waa khalad, waana la sixi karaa si la mid ah sidii ta Madaxweynaha loo saxay, Waayo? Waxa la yidhi xaaska Madaxweynuhu yaanay noqonin Ajaanib, taana waxa loo arkay Arrin aad iyo aad u fool xun, waxaana lagu beddelay oo laga dhigay Islaam, Waayo? Ajanabi waxa noqonaya wax alaale iyo wixii xuduudka Somaliland ka baxsan oo dhan.”
Xildhibaan Jirde waxa kale oo uu sheegay “Markaa Inantana sidaas oo kale ayaa loo beddeli karaa, oo waa in laga saaro in Gabadhii reer Somaliland ee ILAAHAY isku keenay Inanka Soomaaliyeed waa in laga saaro (Inta sheegaysa) ma qaadan karto Jinsiyadda Somaliland, Ninkeeda ma siin karto, Ubadkeedana ma siin karto, siday tahay imiku waa sidaa, laakiin waa in laga gudbo (oo wax laga beddelo). Markaa maaddaama oo Adduunku uu imika is dhex galay oo meel walba aynu tagnay waa in wax laga beddelaa sida uu (imika Xeerku dhigayo)..”ayuu yidhi.
Dhanka kale, Xeerka Jinsiyadda Somaliland ayaa dhigaya in Gabadha aan Reer Somaliland ahayn ee uu guursado Nin u dhashay Somaliland ay noqonayso Reer Somaliland, sida ay sheegtay Hibaaq oo ah Gar-yaqaanad ka qayb-gashay Doodda uu soo qaban-qaabiyey CPA “Xeerku wuxuu si buuxda u damaanad-qaadayaa Gabadha aan reer Somaliland ahayn ee uu soo Guursado Nin u dhashay Somaliland, waxaanu Xeerku leeyahay Gabadhaasi waxay noqonaysaa Reer Somaliland.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Xeerku waxa kale oo uu leeyahay, haddii Gabadhaa uu Furo Ninka Reer Somaliland, way sii ahaanaysaa Reer Somaliland, halka Gabadha u dhalatay Somaliland ee Ninka Ajaanibka ahi guursaday ay Jinsiyadda waayeyso. Markaa waxaanu soo jeedinaynaa in la qaado Tallaabadii lagu beddeli lahaa Xeerkan, loona waafajin lahaa Dastuurka Somaliland iyo Xeerarka Caalamiga ah.”