Ciidamada Booliska Somaliland Oo Hargeysa Ku Qab-qabtay Ragg Looga Shakiyay Falal Argagaxisinimo+Goobaha Laga Soo Qabtay Iyo Tiradooda

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wararka nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliska Somaliland ay gudaha magaalada Hargeysa ku qab-qabteen xabsigana u taxaabeen ragg tiro badan oo looga shakiyay inay wadeen falal argagaxisonimo oo ka dhan ah amaanka Qaranka Somaliland wakhtigan lagu guda jiro ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland.

1-22-125x125

Ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxaya laamaha amaanka balse xogaha soo gaadhaya Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Boolisku ay habeenimadii Isniinta ee todobaadkan ay xaafada Kilidhka ee magaalada Hargeysa kusoo qab-qabteen 7 qof oo looga shakiyay inay maleegayeen falal amniga ku lidi ah,Sidoo kalena xogaha ayaa waxay intaa ku darayaan in laba qof oo kale oo kooxdan xidhiidh la leh lagu qabtay suuqa magaalada Hargeysa iyaga iyo hub ay siteen waa sida xoguhu tibaaxayaan.
Xogaha ayaa waxay intaa ku darayaan in ciidamada Boolisku ay gacanta sidaasi ugu dhigeen Sagaal qof oo la sheegay in laba Todobaad ay dalka ku sugnaayeen iyo waliba hal qof oo kale oo la sheegay inuu guriga ka kireeyey,kuwaas oo ciidamadu ku daba jireen.

Ma jiraan faah-faahin dheeraad ah oo kasoo baxaya warkan,balse ciidamada Amaanka Somaliland ayaa heegan culus ugu jira hadh iyo habeen sidii ay u adkayn lahaayeen amaanka guud ee Somaliland iyo waliba sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho amaan ah.