Xukuumada Kulmiye shacabka how soo bandhigto Mashruucii biyo gelinta Hargeisa ee lagu bixiyey $153 Million.qalinkii
1- Dawlada Khaliijka
(UAE) ayaa ku deeqday Caasimada Hargeisa lacag gaadhaysa $30 Million oo dollar
2- Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2011-kii ugu deeqay JSL $27.5 Million dollar si loogu balaadhiyo biyo gelinta 4 magaalo oo Caasimadu ugu horeyso.
3-Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2012 kii ku deeqay dawlada JSL $64 Million dollar si loogu horumariyo 9 mashruuc oo uu mashuuca ugu balaadhani uu ahaa $8.5 Million dollar oo loo qoondeeyey dib-uhabeynta balaadhinta iyo horumarinta biyaha Caasimada Hargeisa taas oo lacagtaa badankeeda ay bixiyeen UK iyo Denmark.
4- Waxaa iyana isla Sanadkaa Qorshe howleedkii Higsiga Qaranka ee 2012-2016 biyo balaadhinta dalka loogu qoondeeyey $28 Million oo dollar oo iyana biyo gelinta Caasimada Hargeisa ugu horeyso.
5- Dawlada Jarmalku waxay biyo fidinta Caasimada Hargeisa ku deeqday lacag badan oo ah $ 23 Million oo dollar
6- Shirkada Coca Cola ayaa iyaduna waxay ku deeqday biyo balaadhinta Caasimada Hargeisa lacag dhan $ 5 Million oo dollar
7- Baanka Aduunku wuxuu ku yaboohay kuna bixiyey biyo gelinta Caasimadda Hargeisa lacag dhan $ 6 Million dollar
8- Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa waxaa isna Biyo fidinta Caasimadda Hargeisa loogu soo shubay $ 10.5 Million dollar .
9- Mar sedexaad dhawaan hadana midowga yurub ( EU ) wuxuu ku yaboohay lacag dhan $15 Million in ay ku baxayso dhameys tirka mashruuca biyo gelinta Caasimada Hargeisa ee Jamhuuriyada Somaliland oo iska noqday Haan gun’la.