Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Oo Buuxdhaafiyey Fagaaraha Khayriyada Burco, Una Balamay Isniinta Inay Codkooda Ku Soo Saaraan Musharax Cabdiraxmaan Ciro+(SAWIRO)

Burco (Salaanmedia.com)_ Boqolaal kun oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga Isbadal doonka Waddani ee magaalada Burco ayaa buuxdhaafiyey fagaaraha khayriyada Burco oo ay ku soo khatimeen ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland. Shacabka gobolka Togdheer gaar ahaana magaalada Burco oo caan ku ah inay dabaylo isbadal doon uu dalka ka curto ayaa maanta laga dheehanayey sida aan gabashada lahayn ee ay uga go’an tahay inay cod ku soo saaraan maalinta Isniinta ee 13-ka bishan musharaxa isbadal doonka shacabka Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

IMG_2689

IMG_2691

IMG_2696

IMG_2695-1

IMG_2694-1

IMG_2703

IMG_2699

IMG_2700

IMG_2700

IMG_2701

IMG_2704

Shacabka Burco ee kor u dhaafayey boqolaalka kun ee taageerada u muujiyey xisbiga Waddani oon kala lahayn Burco Bari iyo Burco Galbeed ayaa waxa halkaasi khudbado qiimo leh uga soo jeediyey siyaasiyiinta, Masuuliyiinta xisbiga Waddani oo uu horkacayey Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo ugu baaqay taageerayaasha in maalinta codbixinta ee Isniinta ay sidan oo kale codbixinta isugu soo baxaan, waxa kaliya ee guusha lagu gaadhayaana ay tahay codka.
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan isagoo dadweynaha reer Burco ee taageeran xisbiga Waddani la hadlaya waxa uu yidhi “Guusha ugu weyni waa dalkeena oo aynu ilaashano waa la tartamayaa, kuwa meel walba qabyaalada la taagan ee qabyaalada ku dhawaaqaya ee Aabahay goblin dadka ku leh eek u leh hablaheenaa guurbeelaya, waar hablaha Somaliland waa goboo guur beeli maayaan, adigaa lagaa badinayaa, bariba waad tartamiye dalka yaan dhibaato loo geysanin dalka ha la ilaaliyo, cidii guulaysataba cid guurbeelaysaa majirtee dalka yaan dhibaato loo geysanin.
Markii ugu dambaysay ee codka la codaynayey, markaad codayso ayuunbaa codkaaga aynu guul ku gaadhaynaa, Sawaxanka iyo Sacabka maaha waxa guusha lagu gaadhayaa, maaha isku soo buxu maaha waxa guusha lagu gaadhayaa, qolyaha reer Kulmiye ee intay basaska ku guraan dadka moodaya muuqaalka ay basaska ku soo gureen moodaya in lagu guulaysanayo, waar dadkii waa kuwa halkaa tuban waa dadkii reer Togdheer oo cid walba leh, koone walba ka yimid doorashadooda ku yimid oon cidi lacag siinin, aadbaad u mahadsan tihiin. Qolada reer Kulmiye waxaan leeyahay waa la tartamayaaye qaska inaga ilaaliya, waxa idinka muuqata durtaba inaad cadhooteen, waxa idinka muuqata durtaba inaad salbabakhdeen oo degenaanshihii idinka lumay, tartankii dhamaayoo waa la codaynayaaye, waxba yaanu degenaanushu idinka lumin, ciyaarta waxa loo soo diyaargaroobaa marka hore, waxa la qorshaystaa marka hore, waxa la samaystaa istrategyad iyo hanaan aad ku guulaysato ayaa loo samaystaa habeen iyo maalin wax lagu seexdo maaha.” Ayuu yidhi Hoggaamiyaha xisbiga waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan.

IMG_2699

Sidoo kale waxa iyaguna madashaasi ka hadlay Siyaasi Siciid Siciid Sulub oo hore Somaliland uga soo noqday Wasiirka hawlaha Guud iyo Guryeynta, Maxamuud Cabdi Saleebaan (Doob) iyo Siyaasi Muniir Axmed Cigaal, kaaliyaha Warbaahinta ee Musharaxa xisbiga Waddani, isagoo halkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Burco way midawday gacmaha ayay isqabsatay, codayntii waxa inooga hadhay maalinta sabtida iyo Axada, waxaad reer Burcow kala dooranaysaan ood u kala hiilinaysaan inay sii joogaan qabyalaada, silica iyo sicir-bararka iyo halkay Somaliland qabyaalada iyo qoqobku dhigtay, ama waxaad dooranaysaan xisbiga midnimada iyo wadda-jirta Somaliland ee Waddani.
Isku soo bixii wuu dhamaaday, cududeenii waynu muujinay, wixii tamar inaga baxday waad ogaydeen, waxa kaliya ee inoo hadhay ee intaa iyo libin laabkeed aad galinaysaan si mustaqbalkeena iyo rajadeena aynu ugu hubsan lahayn xisbiga Midnimadeena ee Waddani” ayuu yidhi Siyaasi Muniir Axmed Cigaal Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa xisbiga Waddani.