Dawlada Itoobiya Oo Shegtay In Ay Somaliland Ka Caawinayso Doorashada Maalmaha Yar Ka Yadhay Hadii Somaliland Ka Codsato..11/11/2017

 

Dawlada Itoobiya Oo Shegtay In Ay Somaliland Ka Caawinayso Doorashada Maalmaha Yar Ka Yadhay Hadii Somaliland Ka Codsato..11/11/2017

E06AFA13-AC17-4DB1-BB95-9581093B2066
11/11/2017 (SM) Dawlada Itoobiya Oo Shegtay In Ay Somaliland Ka Caawinayso Doorashada Maalmaha Yar Ka Yadhay Hadii Somaliland Ka Codsato

Dadaalka Socda ee diyaar garowga Doorashada ayee wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya sheegtay in ay Moojineyso in Hab Dimuqraadiyad ah la filayo in doorashada ay udhacdo, hadii aanan laga weecin wadada ay haatan ku socoto sida wasaaraddu sheegtay.
Macaamilka ka dhaxeeyo Dowladda Itoobiya iyo Maamulka Somaliland ayuu ku sheegay in ay tahay mid mar waliba taagan, oo aanan ku xirneen hal xisbi, oo uu sii socon doono Xisbigii doono ha guuleystee.
Wasaaradda arrimaha dibadda itoobiya ayaa meesha ka saartay in uu go’I karo xiriirka labada dhinac hadii laga adkaado doorashada bartamaha todobaadkaan dhaceysa Xisbiga Kulmiye oo inta talada uu haye ay wada galeen Heshiisyo fara badan.
“Waxaan ka caawineynaa taageero waliba oo ay nooga baahdaan, waxaana u mari doonaa Hanaan Dimuqraadi ah, Itoobiya waxa ay taageero la garab taagan tahay dadka Somaliland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.
Dowladda Itoobiyaha iyo Maamulka Somaliland ayaa heshiis Ganacsiyeed ku qotoma Dekeda Berbera kala saxiixday Bishii May ee sanadkii 2016-kii, waxaa mar soo kala dhex galay labada dhinac khilaaf ka dhashay boqolleyda Itoobiya laga siinayo lacagaha kasoo xadoorada Marsada Berbera.
Itoobiyaha ayaa haatan u muuqata in ay waji siyaasadeed ka sameysaneyso saddex gudoomiye Xisbi ee u tartamaya Doorashada Somaliland ee dhaceysa Isniinta Bartamaha Todobaadkaan.

Salaanmedia/Hargeysa Source  BoramaNews