Codkii WADDANIYIINTA reer Awdal kaga horeeyen KULMIYE ee kor u dhaafsanaa 30,000 ma Xaruntii tirinta codadkaa liqaday

Boorame (Salaanmedia.com)_ Mawjadaha waddaniyiinta Reer Awdal ayaa maalintii isniitii u dareeray si ay cududooda u muujiyaan iyagoo dhiibanaaya codka doorashada madaxtinimo ee dalka, Markii codadku soo xidhmeen cabaar 9 kii habeenimo xiliga geeska afrika waxaa soo kala cadaatay dhamaan codadka gobolka Awdal ,

timthumb (2)

kuwaasi oo dhamaantood gudoomiyayaasha goobaha ee xisbiga WADDANI soo gudbiyeen tirada codadka xisbigu ka helay goobahaasi , tirooyinka la soo gudbiyey marka la bar bar dhigo kuwa KULMIYE ka helay waxaa kala horeeyeen 60% waddani ku hogaminaayo halka 37% kulmiye ka haystay 3% ucid ah.

Subaxnimadii bisha 14/11/2017 waxaa sii koradhay tirada codadka WADDANI kaga horeeyo KULMIYE gobolka Awdal , tirooyinkaasi oo aan ahayn kuwo malawaal ah ee ahaa kuwo ku fadhiya xogta dhabta ah ee laga helaayey wakiilada goobaha ee xisbiga , marka wadartooda laysku geeyo waxaa xisbiga WADDANI kaga horeeyey kulmiye codad ka badan 30,000.

Habeen hore 15/011/2017 fiidkii waxaa suuqyada iyo baraha bulshada la soo dhigaayey in WADDANI ku horeeyo 13,000 oo cod kaliya iyadoo aanay jiri haba yaraatee sanaadiiq cusub oo ka timid degaanad la filaayey in xisbiga kulmiye looga codeeyo, Arintan cusub ayaa af kala qaad ku noqotay masuuliyiinta heer degmo iyo gobol ee xisbiga WADDANI , su’alo marka laga waydiiyo tiradii codadkii WADANI ku horeeyey maxaa ku dhacay? ,Jawaabtu waxay ahayd, Dib ayaa loo tiriyey waxaa khalad ahaa tirinta codadka goobaha lagu soo tiriyey ee hore oo waxaa kala batay markii hore iyo hada oo aan dib u tirinay tani dambe aya sax ah… Cajiiib!!!!! bal halkaasi u fiirso.

Xalay saq dhexe ayaa waxaa mar kaliya la soo sheegay in Xisbiga Waddani kaga horeeyo kani kulmiye 1650 kaliya gobolka Awdal , waxaan mar kaliya la waayey 13000 ee la sheegayey saacado kahor, mar aan wax ka waydiinay masuuliyiinta degmada ee xisbiga , waxay waayeen kalmado kooban oo ay ku cabiraan sida xaal yahay iyo sida aanay waxba gacmahooda ugu jirin, sanaaduuqdii shalay aad wax ku ogayd oo maanta lagu sheegayo tiro kale, adiguba maxaad odhan lahayd?.

Sheekadu waa kud ka guur oo qanjo u guur., Afhayeenka Komishanka doorashooyinaka somaliland Siciid Cali muuse oo saaka la hadlay warfidiyeenada magaalada haragaysa ayaa sheegay in gobolka Awdal tirintiisu gabo gabo ku dhawday laguse gudo jiro oo aany dhamaan. YAAAA ?, halka wararka ka soo baxaaya xisbiga KULMIYE sheegayaan in la soo gunaanaday oo laysku barbar dhacay.

suaalaha wadaniyiinta reer Awdal iswaydiinayaa ayaa ah codadkii reer waddani ma daaddkii xaabale qaaday, goobo aan gabi ahaanba lagu ogayn xisbiga KULMIYE oo u b badhax la’aa xisbiga WADDANI ayey tirada hadu sheegaysa in lays cod legyahay, waar SALAADU HALKAY KA XIDHMI LA’DAHAY ,oo Xalay baa dib loo codeeyey markii la soo xereeyey.

Isku soo wada duuboo sheekada Codadaka Gobolka Awdal waxay la mid yihiin kuwa gobolka hargaysa ee wararka soo baxayaa sheegayaan in lagu guray bugaag xisbiga KULMIYE soo daabacday oo bug ah , odaybaa laga hayaa , CADCEEDU HORTAYDA WAY IMAN.