ARRIMIHU DORASHADU WA XASAASI WAXANA LAGAGA GIDBI KARA MARKA LO RAACO SHARCIYADA DOORASHADA MADAXTOYADA IYO G/DEGAANKA XEER.LR.20/2001 IYO LIFAAQYADISA

FB_IMG_1511014337886

Waxa aynu maqleyna in dalka doorashadi ka dhacday uu khalkhal galisay waraaqo been abuura oo lagu so dabacay Shirkada yar ee #Sagal-jet halisna qaranki u galay in ay shirkad yari khalkhal galiso, qarkana u saran yahay burbur sababi kara in gobal waliba u goonidisa dowlad u sameeysto cashuurtisana gaar u qaato howlihisana gaar u maamusho.

Hadaba Si arrimahsi sababi kara khatar keeni karta burbur anay u dhicin waxa lagaga gudbi kara laba qodob o kala ah.

1. Gudida dorashooyinka oo cadaalad Iyo daacadnimo Ku shaqeeya oo dowlada Iyo saleban-gaal faro galinta ka daayan. Iyaguna noqdan masuuliyin adag oo shaqadooda u madaxbanaan xita madaxdaweynahu kuma so faro galin karo.

2.Sharciyada doorashada gaar ahaan xeerka dorashooyinka golayaasha degaanka Iyo madaxtooyada XEER Lr. 20/2001 Iyo lifaqiisa. Oo ay Ku shaqeyan Gudida doorashadu una maran arrimaha khilafadka Iyo muranka sharciyadaas.

Labadas qodob waxay sahli karan muran kasta Iyo khiilaf kasta hadii muranada shariciyada khuseeya ay leyihin marjac loo noqdo arrimihu wey sahlanaanayan marka Gudida dorashooyinka qaranka waxan kula talinaya iney u noqdan sharciyada dorashooyinka gaar ahaan Xeer lr.20/2001.

Hadii aynu so qadano qodobka 64 aad ee xeer lr.20/2001 Iyo lofaqiisu wuxu dhigaya

Qodobka 64 aad

1.Gudoomiyaha kumushanku marku ka helo xafiisyada dorashooyinka degmada/gobolada waa inu

A. Wa inu go’aan ka gaadho dacwooyinka la xidhiidha codbixnta Iyo tirinta.

B. Wa inu tiriyo oo isku geeyo ( xisaabta ahaan ) codadka ansaxay,kuwa xumaaday ama waxba kama.jiranka ah ee ka yimid xafiisyada dorashada gobolada.

B. Marku Si walba u hubiyo ee uu Ku qanco in howshu Si habsamiya u dhacday, Wuxuuu Si Ku meelgadha ugu dhawaqaya natiijooyinka dorashada madaxweynaha Iyo Ku xigeenka madaxweynaha.

Akhristow waxa walba Iyo talaabo waliba waxay u cadahay sidaas sharciyadenu dhigayan, marka maha in la inagu maawiliyo guurti Iyo madaxtooyo aya sida tidhi dharciga go’aanka dorashada ma jiran meel ay ka so galan sidaas awgeed Gudida dorashooyinka ha iska daayan jilicsanaanta Iyo hebed nimada oo dadka Iyo dalka ha badbaadiyan hana Ku badbaadiyan cadaalad.

Alla Mahad iska leg

Qalinkii:- Khadar Kaariye Cune