Deg Deg ]:- Ku Dhawaaqista Natiijada Doorashadii Madaxtooyada Somaliland Oo Dib Loo Dhigay + [ Waa Goorma Iyo Sababta ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Waxaa dib loo dhigay ku dhawaaqista natiijada doorashadii
madaxtooyada Somaliland oo kominshanka doorashooyinku ay saaka si rasmi ah ugu dhawaaqi lahayeen

IMG_A91311-A3E683-F76200-D84D71-E3DD83-3DB5C1

Sida ay hada shabakada Salaanmedia.com u soo sheegeen dad ku sugan goobta lagaga dhawaaqaayo natiijada doorashada waxaa ay sheegen in ku dhawaaqistii ay saacado kooban dib u dhacdey

Dadka goobta ku sugani waxaa ay Ilaysnews.com u xaqiijiyeen in la filaayo in natiijada si rasmi ah loogu dhawaaqo galabta abaaro 3:00 galabnimo Bacda Salaada Casar

Lama garan karo sababta dib loogu dhigay ku dhawaaqista balse xogo ay ilaysnews.com helayso ayaa sheegaya in dhex dhexaadin xisbiga Waddani ah iyo kominshanka doorashooyinku ay socoto oo lagu kala dhex jiro , sidoo kale xogaha ayaa sheegaya in la sugaayo safiiro iyo diblomaasiyiin ka soo qeyb gala munaasibada ku dhawaaqista