Dalalka Taageera Dimuqraadiyada Somaliland Oo Caddeeyay Inay Ka Xun Yihiin Dadkii Ku Dhintay Mudaharaadyadii Ka Dhacay Somaliland..November 22, 2017

Dalalka Taageera Dimuqraadiyada Somaliland Oo Caddeeyay Inay Ka Xun Yihiin Dadkii Ku Dhintay Mudaharaadyadii Ka Dhacay Somaliland..November 22, 2017
Dalalka Caalamka taageera dimuqraadiyada Somaliland ayaa shaaciyay inay hambalyaynayaan madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici oo ku guulaystay doorashadii Madaxtinimada Somaliland.

War Murtiyeed ay Salaasadii soo saareen waddamada Somaliland ka taageera nidaamka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka, ayey ku sheegeen inay si dhow ula socdeen doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday 13kii November, ay si u muujiyaan taageeradooda geedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland.

War-murtiyeedkan waxa si wadajir ah u soo saaray dalalka Belgium, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Norway, Netherlands, Switzerland, Sweden, United Kingdom iyo United States.
Qoraalka saaxiibada Somaliland ayaa lagu sheegay inay amaanayaan qaabkii nabadgelyada ahayd ee doorashooyinku uga dhaceen dalka, inkastoo ay jireen arrimo walaac ah, haddana, ma dhaawacayn daacadnimada habkii doorashadu u dhacday.

“Waxaan ku ammaanaynaa doorka muhiimka ah ee Komishanka Doorashooyinka qaranku ka qaateen qabsoomida doorashada iyo go’aankii ay ku shaaciyeen natiijooyinka hordhaca ah ee ay soo saareen ku dhawaaqeen in madaxweynaha Murrashaxa Kulmiye, Muusa Biixi Cabdi, ku guulasytay doorashadii Madaxtinimada.

daneeyayaasha caalamku waxay ka xun yihiin dadkii ku dhintay mudaharaadyadii ka dhacay Somaliland intii arrinta doorashadu taagnayd. Natiijada doorashada ka dib, waxay saaxiibada Somaliland ugu baaqayaan dhammaan dhinacyadu inay gacan ka geystaan ixtiraamka nabadda iyo amniga Somaliland iyo in loo maro wixii cabashooyin ah ee doorashooyinka dariiqyada sharciga ah.

Waxaan ku celinayaa in hirgelinta sharcigu ahaado, ujeeddada kowaad in dhammaan la xaqiijiyo, lana xurmeeyo rabitaankii codbixiyeyaasha Somaliland,”ayaa lagu yidhi bayaankaas.5C7C4BCB-4771-4EC2-AB0C-453BB37BFDE1