“Madaxweynaha La Doortay Waxaan U Ballanqaadayaa Inaan Kala Shaqeynayo Dar-dargelinta Wadahadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya Si Aan u Soo Celinno

Muqdisho (Salaanmedia.oom)_ Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha ayaa shacabka Somaliland, xisbiyada, hay’adaha amniga iyo madaxda tartantayba ku ammaanay sida nabadda ah oo ay doorashooyinka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaama u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

MADAXWEYNAHA-SOMALILAND-LOO-DOORTAY-MUUSE-BIIXI-IYO-MADAXWEYNAHA-SOOMAALIYA-FARMAAJO

Madaxweyne Farmaajo ayaa yidhi “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen. Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.” Ayuu yidhi Mr. Farmaajo, waxaase uu hadalkiisan oo xalay laga siidaayay idaacadda Radio Muqdisho barta internetka ee idaacadaasnalagu baahiyey qoraalkiisa uu ku raaciyey Madaxweynaha Xamar hadal beer laxawsi ah oo khuseeya wadahadalladii labada dal isaga oo ku dooday in uu kala shaqayn doono midnimo dambe oo dhacda “Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil.