Xusuusihiii Xiissaha Lahaa, Iyo Lakulan Kaygii Safiirka Dawlada Ingiriiska u Fadhiya Dalka Ethiopia Ambassador Chris Allan Deputy Head Of Mission British Embassy Addis Ababa,,,,, .04.12.17

Xusuusihiii Xiissaha Lahaa, Iyo Lakulan Kaygii Safiirka Dawlada Ingiriiska u Fadhiya Dalka Ethiopia Ambassador Chris Allan Deputy Head Of Mission
British Embassy Addis Ababa,,,,,
Iyo waxyaabihii Mucjisada igu Noqday ee Aan Ka XuustoMAQAAL

waxay ahayd 04/02/2013
Galab khamiisa Abaaro 05:30 pm kii ayay ahayd Markii lay sheegay in beri jimcaha Saacadu markay tahay 02:15 pm aanu tegayno ambassador hotel ee magaalada Hargaysa,,

Halkaas oo aanu kula kulmayno Safiirkii Ku xigeenka dalka Ingiriiska Ambassador Chris Allan iyo wefti uu hogaaminaayo oo ay kamida tahay haweenayda ku xigeenka ka ah Safaarada Ingiriiska ee dalka Kenya iyo sidookale Agaasimaha Isgaadhsiinta ee Safaarada Addis Ababa,,,,

Waxaan Markii ay ahayd 01:00 pm Duhurnimo u dhaqaaqnay Aniga iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo katirsan Golaha Wakiilada somaliland iyo Cabdinaasir Yusuf Cismaan ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga ucid, goobtii balantu ahayd,,,,
Oo ahayd Ambassador Hotel,,,
Markii aanu dhexda sii soconay ayaa Xoghaye Cabdinaasir Yusuf Cismaan oo runtii ah nin maskax badan ayaa Wuxuu soo jeediyay fikirkii aanu Goobta la tegi lahayn
Waxaanu xildhibaan Qabile ku yidhi xildhibaan Adigaa sharci yaqaana ee wixii ay nimanku inaga waydiiyaan doorashadii dhacday adigu ka jawaab,,,
Oo Kolay waxay ina waydiinayaan doorasho xor iyo xalaali ma dhacdaye dee adigu Xildhibaan ka jawaab,,,

Wixii kale ee kasoo baxana dee waynu eegi sidaas ayaanu goobtii kusoo gaadhnay,,,
Saalan iyo is gacan qaad kadib Markiiba waxaanu guda galay shirkii aan Isug nimi waxaan weftida weheliya Xasan Embassy,,

Isla Markiiba waxay hadalkoodii ka bilaabeen halkii aanu filaynay inay ka ka bilaabayaan,
Oo waxay na waydiiyeen doorashadii dhacday ma ahayd mid xor iyo Xalaal?

Waana suaasha ugu adag ee meesha taala waayo ma odhan Karo xor iyo Xalaal ayay ahayd oo mad madaw badan ayaa ku jiray dee,,
Xaaraan bay ahayd na ma odhan Karo oo dee waanu ku soo baxnay,,,

Balse xildhibaan Qabile oo runtii ah nin sharci yaqaana ayaa suaashii iyo suaalo kaleba Sida cajiin tin laga siibay uga dhex baxay,,,

Hadaba Hadaan usoo daadego sababta aan maanta qalinka ugu qaatay taariikhdan,,

Waxa kamid ahaa suaalaha ay na waydiiyeen,,,

Sideebaa xisbiga ucid ugu guulaystay Moyar-ada Berbera Laascaanood Gebiilay iyo Moyar ku-xigeen caasimada?

Xildhibaan Qabile Wuxuu yidhi waa Quietly,,

Hadaba suaasha xusida mudan iguna keliftay Maqaalkan waxay ahayd,,
Oo weliba uu afkiisa nagu waydiiyay Ambassador Chris Allan,,

Maxaa ka jira wararka sheegaaya in Eng Faysal Cali waraabe meesha ka saaraayo Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen?
Jawaabta suaashaas waxaanu u arkaynay maraanmar iyo gacmo daalis aan Waxba ka jirin waxaananu si isku mida meesha uga saaray sadexdayadiiba wararkaa sheegayaa in Eng Faysal meesha dhaafinaayo Murashax Jamal,

Hadaba waxa si daahir yaa shamis ah hortayda u Timi wixii Ninka reer England II sheegayay Afar Sanadood Ka Hor,,,

Sidookale waxaan iswaydiiyaa siday ku ogaadeen iyagoo intaa inoo jira ,,,,

Waa bilaahi tawafiiq