[Akhriso] :- Nuxurka Kulan Dhex Maray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Suldaanka Guud Ee Beesha Habaryoonis..06.12.17

Hargeysa(SM):- Madaxweynaa la doortey ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay waxaa uu kulan fool ka fool ah la yeeshay suldaan Maxamed Xirsi Qani oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland isla markaana ah suldaanka guud ee Beesha Habaryoonis .92B5EAFC-FE7B-4F2F-87F1-D03B17FA9B19

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulankaas Hargeysa ka qabsoomey , lakiin warar xog ogaal ah oo wargeyska Geeska Africa helay ayaa sheegaya in kulankaas qabsoomidiisa uu lahaa madaxweynaha la doortey ,lana xidhiidhay daaweynta xanaftii ay doorashadu reebtay .
Suldaan Maxamed Xirsi Qani ayaa door mihiim ah ka qaatey daminta rabshado ka dhaca magaalada Burco ka dib doorashadii , waxaana la sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu suldaanka uga mahad celiyey dadaalkaas guurtinimo , waxaana uu madaxweynuhu uu sheegay in uuu geestiisa diyaar u yahay in la dhameeyo wax kasta oo doorashadii iyo tartankii olaluhu ay reebeen isla markaana la isku soo dhaweeyo shacabka ay siyaasadu kala fogeysay .

Suldaan Xirsi Qani ayaa isna la sheegay in uu geestiisa uu balan qaadey in uu ka hawl galaayo sidii umada la iskugu soo dhaweyn lahaa , waxaana uu sheegay in ka madax dhaqameed ahaan ay waajib ku tahay isku soo dhaweynta umada , geesta kale waxaa maaanta qabsoomaya kulan labaad oo la filaayo in madaxweynaha la doortey uu la yeesho ganacsatada iyo madax dhaqameedka beelaha Garxaajis .

Salaanmedia/Hargeysa

Source:- Geeska