Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid kaahiin Taageeray Shirweynihii Gudida Garxajis Ku Baaqeen+Kulankii Maanta ee Qaarkamida Madax-dhaqanka Garxajis Layeelatay Muuse Oo Uu Cambaareeyey..December 6, 2017

Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid kaahiin Taageeray Shirweynihii Gudida Garxajis Ku Baaqeen+Kulankii Maanta ee Qaarkamida Madax-dhaqanka Garxajis Layeelatay Muuse Oo Uu Cambaareeyey..December 6, 2017Suldaan
Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid Kaahin oo kamida Salaadiinta dhaqanka ee Beel-weynta Garxajis oo ku sugan Dalka Djabuuti ayaa soo dhaweeyey Shirkii ay maanta magaalada hargeysa kaga dhawaaqeen Gudida Guud ee Beelsha Garxajis, isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”Waxan halkan taageero mug iyo miisaanle halkan uga dirayaa Shirweynihii Gudida Guud ee Beelaha Garxajis maanta Hargeysa kaga dhawaaqeen, kaas oo waqti xaadirkan muhiim u ah xaalada siyaasadeed ee murugsan ee dalku galay in reerku ka tashado oo iskaga yimaado”
Dhinaca kale Suldaan Saxardiid ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay kulan ay maanta magaalada Hargeysa kula yeesheen Muuse Biixi qaar kamida hogaanka dhaqanka Garxajis isagoo arimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi”Waxa aan sidoo kale ka xumay in Qaar kamida haldoorkii dhaqanka ee Beesha Garxajis ay maanta kulan aan loo dhamayn kula yeeshaan Muuse Biixi Hageysa isla markaasina ay ku kala jabiyaan taladii iyo Tawfiiqdii reerka ee midaysnayd taasi oo aan leeyey waad ku degdegteen kulankaas aan taladiisa loo dhamayn ee aad ku dhaqaaqdeen waxaan idiiinsoo jeedinayaa inaad kusoo noqotaan talada iyo wadajirka reerka oo aad Shirweynaha Gudidu ku baaqday aad kasoo qaybgashaan”

Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid Kaahin