Madaxweynaha Jeegaantu Intaanu Ka Hadal Ictiraafka Somaliland, Horta Ha U Hawlgalo Sidii Uu Isaga Laftiisu Aqoonsi Uga Heli Lahaa Bulshada Somaliland

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Bulshada Somaliland ku nool ayaa waxa kala irdheeyey isla markaana kala fogeeyey ololihii doorashada madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday 13-kii Noofeember.
Waxa adag in bulshadu dib la iskugu soo celiyo,iyada oo ay xusid mudan tahay in laba beelood ay soo cumaadeen Kornayl Muuse Biixi Cabdi oo hadda madaxwaynaha loo cumaamaday dalka.

1-23-125x125

Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha jeegaantu cumaamaday ayaa waxa cabaqadaha horyaala kamid ah inuu isku soo celiyo midowga bulshada Somaliland oo ololihii doorashadu kala irdheeyey,iyada oo ay xusid mudan tahay in beesha Jeegaantu ay soo cumaamaday Muuse Biixi Cabdi,isla markaana ay taasina kor u qaaday qabyaaladii.
Hadaba kornayl Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha jeegaantu cumaamaday oo isagu intii ololaha doorashadu socdeen khudbadihii kusoo qaadan jiray kuna taami jiray inuu soo celinayo xidhiidhkii beesha Caalamku ay la lahayd Somaliland iyo inuu ka shaqaynayo sidii Somaliland u heli lahayd Ictiraaf ayaa waxa xusid mudan isla markaana haboon in Kornayl Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha la cumaamaday uu ka hawl galo sidii uu isaga laftiisu aqoonsi uga heli lahaa bulshada Somaliland,taas oo hadalo xanaf iyo xajiin leh oo hore uga soo yeedhay Muuse Biixi ay wali ka dhex guuxayaan dhagaha shacabka,sidoo kalena waxa muhiim ah in kornayl Muuse uu u hawl galo sidii uu bulshada kala irdhaw la iskugu soo laab xaadhi lahaa,taas oo aad u adag isla markaana ay isaga laftiisa soo cumaamadeen labada beelood ee ku midoobay magaca Jeegaanta.
Shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan darafyada iyo badhtamaha Somaliland ayaa isha ku haya talaabada uu qaado Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha jeegaantu cumaamaday.