Sharciga & Cadaaladda maxaa innaga haysta!..12.12.17

Sharciga & Cadaaladda maxaa innaga haysta!

 maqaal

Sharcigu waa hab wax lagu maamulo oo ay sameeyaan ururo bulsheed amaba dawladi, waa wax laysla garto in laysku afgarto  oo  dad iyo  duunyaba lagu kala hago. Sharcigu waa hab ilaaliya amaba u jeedadiisu tahey in ay bulsho meel kuwada dhaqan is ixtiraamto kuna noolaadaan sinaansho iyo kala danbeyn uu sharcigu dhigayo.

Halka ay cadaaladu ka tahay in ay dadku u sinaadaan sharciga sida in haddii ay laba baabuur is jiidhaan in loo eego sharciga dabadeedna si aan eexasho, dhinac saaris iyo qof jeclaysi midna lahayn loogu qaado wixii qabanaya.

Sharciga oo la dhawro wax badan baa ku badbaada , dadka ayaa ku kala socda waana marjic loo laabto markasta oo wax laysku af garan waayo, amaba loo baahdo in si kaleba loo adeegsado. sharciga waxa soo hoos galaya shareecada islaamka (Qur,aanka & Sunaha …) oo haddaynu dad muslim ah nahey noqonaysa ta uu Illahey (SW) inoo jideeyay, dastuurka iyo dabcan xeerarka kala duwan ee lagu hago amuuraha kala gadisan.

Intaa haddaynu isla fahanay, waxa iigu xigta in umadeenii lagu ibtileeyay  sharcigii  isla markaana dhulka la jiiday oo la  ruquusay dhankaynu  doonana ula kacnay. Aalaaba waxaad arkeysaa ama maqlaysaa mid ku doodaya in xaq uu lahaa laga duudsiyey oo ay cadaalad daro la kulantay, berrina isagii markuu helo fursad uu sharicigaba indhaha ku qaban karo aan uga tudhayn.

Waxey noqoteyba in markii la waayo doc iyo daaqad sharciga lagu garab marona lagu andacoodo waxbaa layga musuqay iyo waxbaa layga leexiyey hadda gara,oo waa markuu waayey/dey meel alla meel ay wax ka walaaqaan.

A nation that will not enforce its laws has no claim to the respect and allegiance of its people.” Ambrose Bierce.

Sida uu ninkani sheegayo haddii uu qaran dhaqan galin waayo sharuucda iyo xeerarka ay dhigtaan ixitiraam iyo daacadnimo yaanay shacabka ka sugin. Dabcan dawladda iyo shacabku way is yihiin. Kolba cid shacabka ka mida ayaa dawladda noqonaysa, taasi oo jirta waxaynu nahey dal wali curdin ah dawladduna wali cago xoogan kumay istaagin sidaa darteed waxa loo baahan yahay in ay inaga go,naato dhawrida sharciga iyo ixtiraamkiisu iyada oo aanay cidina inagu qasbin.

Sharciga in la ilaaliyo waxa u xil saaran laamo ka mid ah dawladda, xeer ciqaabeed iyo talaabooyin lagula tacaalo , tubtii iyo tamarteediiba iyaga ayey umaddu ku aamintay balse haddii ay dawladii noqoto meesha ugu horeysa ee lagu rifo sharciga maxaad maleyn?

“If the government becomes a law-breaker, it breeds contempt for the law. It invites every man to become unto himself. It invites anarchy.” Louis Dembitz Brandeis

Ninkani wuxu leeyahay haddii ay dawladi noqoto sharci jabiye, waxay dadka ku beerta sharci naceyb, waxaanay ku casuuntaa qof walba inuu sharciga ka dhigto mid isaga u dan ah. Taasi oo ah mid aynu hadda ifafaalaheedii arkeyno haddii aan sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabanina noqon doonta mid cidhib xumadeedu dad iyo duunyaba ina saameyso.

Waxaan maqlay sheeko aan marnaba maskaxdeyda ka bixin cid aan ka maqlayse hadda ma xasuusto waxey u taaley sida tan.

Qofka ka sheekaynayey oo hadlaya ayaa yidhi “ aniga oo jooga wadanka Japan oo ay I waheliyaan laba qof oo dalkaa kasoo jeeda ayaanu goor saq dhexe ah oo sharcigii seexday isagoo ula jeeda  ciidankii nabed galyada wadooyinka (Traffic)  iyo calaamadihii kala hagayey baabuurta, ayaanu wado weyn kusoo dhacney deedna waxa baxayey iftiinkii casaanka ahaa oo ah markii ay baabuurta haadkooda maraysaa istaagi lahayd ee ay dadka iyo baabuurta haadka kale socon lahaayeen balse wax baabuur ah iyo dad  meesha maraysaa wakhtiga ma ay jirin, waxaan damcay idhi ina socodsiiya cidi ma joogtee. labadii nin ayaa igu soo boodey  iyagoo ii sheegaya inaan ixtiraamo sharciga oo aan taagnaado ilaa inta ay iska badelayso oo ay noqonayso markii ay talaabi lahaayeen iyaga oo igu leh haddii uu sharcigu seexday inaga ayaa soo jeedna” .

Waxa dhici karta inaan sheekada wax ka khalday balse dulucda oo aan marnaba maskaxdayda ka bixin inaan soo gudbiyo ayaan ku dadaaley wixii gafa halaga raali ahaado.

Bal Illaah baan kugu dhaarshee is barbar dhig sheekadaa iyo inaga wadcigeena, in aynu sharci seexday ilaalino daaye isagii oo soo jeeda ayeynu indhaha qabanaynaa.

Haddii ay umaddu sharciga ixtiraami waydo oo ay kolba doc ka rifaan waa caaqiibo xumo iyaga u taalaa. ka gacanta ku haya ee ogolaanaya in lagu gafo iyo ka gafka kula dhacaya midkoodna ma fayooba. Diinteena suubani waxay mar walba dhiirigalisaa in qofku wixii uu naftiisa la jecel yahay uu walaalkiina la jeclaado. Taasi oo macnaheedu noqonayo hadaanad jeclayn in lagugu gafo in aanad ruux kalena la jeclaan in adiga awgaa loogu gafo. Dadku markay deegaan kuwada nool yihiin waxyaabo badan bay wadaagaan in ay si isku mida u ilaashadaan oo laxejeclo ka gasho waa lagama maarmaan.

Waxaan kusoo gunaanadi lahaa qoraalkan kooban in aynu dib iskugu noqono oo aynu sharciga dhawrno si aynu ugu noolaano nolo tayo leh oo aynu kuwada qanacno taasi oo aanu jirin Madaxweyne, Wasiir, Gaashaanle sare iyo Madax kale toona  oo kuyuuyada looga cararyo iyadoo dadkii shacabka ahaana suga iyo dib uga joogsada hebel baa meesha marayee lagu daaliyey, ee ay hawluhu noqdaan “ALXAQU LIMAN SABAQ”. calaashaan shaadhku yaanu shaqeyne sharcigu ha shaqeeyo.

#Sharcigu ha sareeyo

ALLAA-MAHAD-LEH

Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com