Wasiir Ingiriis Ah Oo Saddex Qodob Kala Hadlay Madaxweynaha La Doortay + [ Maxay Yahiin ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya/Somaliland David Concar
ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo barri talada la wareegaya. Labada masuul ayaa ka wada hadlay horumarinta arrimaha ay iska kaashadaan labada dal sida dhaqaalaha iyo nabadgalyada.

IMG_097BD1-91320D-D9BB30-6697FD-ED9E6B-608E37

Wasiirka Ingiriiska ayaa sheegay in dib u habayn lagu sameeyo hannaanka nabadgalyada ay taageerayso dawladda UK “Waxaan kulan muhiim ah la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi ka hor caleemo saarkiisa. Waxaan kala hadlay taageerada Ingiriiska ee dib u habaynta ammaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo soo afjaridda Gudniinka Fircooniga ah,” Sidaas ayuu wasiir Concar ku sheegay qoraal kooban uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyay.

Dawladda Ingiriiska iyo waddamada reer Galbeedka ayaa si dhaw ula socday doorashada Somaliland kulamana la qaatay madaxweynaha la doortay. Waddamada Afrika sida Midawga Afrika, IGAD iyo dawladdaha Carabta Ayaan wax lug ah ku yeelan doorashada, islamarkaana aan ka hadal isbedelka dawladnimo ee Somaliland.