Dawlada Sacuudiga oo mamnuucay sawirada la’isaga qaado Xaramka barakeysan (Dhacdo layaab leh)..15.12.17

Boqortooyada Sacuudiga, ayaa waxay maanta soo rogtay awaamiir ah inaanan hadda ka dib wax sawiran ahi la’isaga qaadi karin Xaramka (Xajka) iyo Masaajidka Nabiga (NNKH).

Tani waxay ka dambeysay markii barraha bulshada lagu arkay sawirada nin Israeli ah oo isku soo dhex sawiray Xaramka iyo Masaajidka Nabiga, xilli uu gacanta ku sitay Kutubka Yahuudda.

Warbaahinta Sacuudiga, ayaa qoreysa in tallaabadaasi ay ka careysiisay bulshada Muslimiinta ee ku dhaqan Magaalada Maka, iyagoona si kulul u cambaareeyay.

Dhacdadan waxay imaaneysaa maalmo ka dib, markii Mareykanka uu Magaalada Qudus u aqoonsaday Caasimadda Maamulka Israel, taasoo taabatay dareenka Muslimiinta.

Dhanka kale Jimcihii labaad waxaa dhulka Falastiiniyiinta ka dhacay dibadbaxyo waaweyn, oo lagaga soo horjeedo aqoonsiga uu Mareykanku Qudus u aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Dibadbaxyada maanta ka dhacay dhulka ay Yahuudda xoogga ku haysato ee Falastiin, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacba.1