Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo xadhiga ka jaray xarumo iyo Jidad laga dhisay Magaalada Gaalkacyo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo xadhiga ka jaray xarumo iyo Jidad laga dhisay Magaalada Gaalkacyo (Daawo Sawirro)

11

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarigga ka jaray  sadex waddo oo laami ah iyo dhismaha bangiga dhexe ee magaalada Gaalkacayo.23

Gaas ayaa waxaa xarig jarka waddooyinkaasi iyo dhismaha bangiga dhexe waxaa ku wehelinaayey guddooyimaha gobolka Mudug, duqa degmada Gaalkacayo, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.24

Waddooyinka muhiim ka ah ee Madaxweynuhu xadhigga ka jaray ayaa waxaa ka midda ahaa waddada Cumar Dheere oo dhererkeedu yahay  1km iyo 140m [ Hal kiloo mitir iyo bogol iyo afartan miter], waddada Xero-dayaxay oo dherer keedu yahay 200m[ laba boqol oo Miter], iyo waddada Gaadda Yare oo iyana dherer keedu yahay 2km [laba Kilo Miter ].

Madaxweynaha oo ka hadlay waddooyin kaasi uu xadhigga ka jaray ee halbowlaha u ah magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in ay waddooyin kani muhiim u yihiin bilicda iyo horumarka magaalada, waxaana uu mahad balaadhan u jeediyey hawlwadeenada degmada Gaalkacayo oo iyagu hirgeliyey dhismaha waddooyin kani.

“Waxaan ku faraxsan-nahay inaan xadhigga ka jarno waddoyinkan muhiim ka ah ee ay yeelatay magaalada Gaalkacayo, waana ku mahadsan yihiin hawl wadeenada degmadu hirgelinta waddooyin kani, saan sheegnayna dabcan waxay wax ka bedelayaan bilicda, horumarka iyo amaanka magaalada madaama ay tahay magaalo furan oo shiddo badani ay ka jirtey, inay heshaa jidad wanaagsan waa wax wanaagsan, waxaanna loo baahan yahay in jidadad kaasi la geliyo  nal si habeen iyo maalin ay shacabku ugu ganacsadaan” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo kormeeray dhismaha isbitaalka weyn ee magalada Gaalkacayo oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah, dhismaha suuqa xero dayax, xarunta Wasaaradaa Ganacsiga, iyo xarunta Wasaaradda kaluumaysiga oo dhismaheedu heer gebo-gebo ah marayo.

Gaas ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha cusub ee bangigaga dhexe ee magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

122