Dowladii 3aad ee a tirsan Afrika oo shacabkeeda ka mamnuucday isticmaalka Shiishada..28.12.17

Dowladda Kenya ayaa mamnuucdey isticmaalka iyo ka ganacsiga tubaakada Shiishadda oo sanadihii ugu dambeeyay ku soo badaneysay dalkaas.

Wasiirka caafimaadka ee Kenya ayaa ku dhawaaqay sharci dowladu soo saartay oo dhaqan galaya laga bilaabo shalay oo taariikhdu aheyd 27ka Disembar kaasoo lagu mamnuucay Shiishada.

“Qofkii la arko isagoo isticmaalaya, ka ganacsnaya ama qeybinaya shiishad waxaa uu muteysan doonaa xabsi gaaraya lix bilood iyo ganaax dhan 50 kun oo shilinka Kenya ah una dhiganta qiyaastii $ 600 oo dollar” ayuu wasiirka oo intaas ku daray in sababta ay go’aankan ka dambeysay ay tahay markii baaritaan lagu sameeyey shiishada lagu ogaaday dhibaatada ay u leedahay caafimaad guud ee bulshada.

Kenya ayaa noqotay dalkii 3aad qaarada afrika ee shacabkiisa ka mamnuuca shiishada, waxaana ka horeeyey dalalka Tanzania iyo Rwanda

Talo bixintii ugu dambeeysay ee ka soo baxday Ururka Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa lagu sheegay in qiiqa Shiishada oo uu u dhigmo 100 xabo oo sigaar ah.

Dalal kale oo ka tirsan caalamka ayaa sidoo kale ka mamnuucay dadkooda Shiishada, waxaana ka mid ah dalalka Singapore, Saudi Arabia, Jordan, Pakistan iyo kuwa kale.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu ugu daran ee sanadahan dambe sida weyn ay ugu sii faafeysay isticmaalka shiishada oo dhaqaatiirtu ay sida weyn uga digeenb iney caafimaadka waxyeeleyso.11