Xildhiban Dheeg Waxa Ku Dhacay Loma Dul Qadan Karo Xildhibanku Wa Murayada Wadanka..30.12.17

Runtii Waa Ceeb Iyo Fool Xumo In Xildhibaan dheeg Oo Qarankan Ugu fadhiya macno Iyo Qiimo Badan Oo Aad u Wayn Kana Mid ahaa Ragii nabadaynta Iyo In Ay Somaliland Maanta Heerkaa ay Taagantahay in Loo diido Salaan Muuse Biixi Waa Ceeb Iyo Fool Xumo Ninkaa Taliyaha Sheeganayaa Madaxtooyada Waa In Si Dhakhso ah Xilkaa Looga tiriya waayo Waxaa Uu Ku Kacay Anshax Xumo Heerkii Ugu Saraysay___

IMG-20171229-WA0309

Waynu Oganahay Doorasho Ayaa Dalka ka Dhacday Waliba Si xaarana ayay U dhacday Codkii Shacabkana Waa la Boobay lana Musuq Maasuqay taas Oo Jirta ayaa Hadana Masuuliyiintii Milgaha iyo Sharafta lahaa inan Yar Oo aan waxba ka Ogayn Dhibtii Qaranimada Somaliland Iyo Xoriyadan aynu Hadhsanayno Ragii qaybta Libaax Ka soo qaatay Ee Naf Iyo Maalba U Huray In Maanta Sidaa Loola dhaqmo Ma Istaahilaan Waanan Ka Xumahay___

Qarankani Haduu sidaa Kusii Socdo Oo Qof Walba Maqaamkiisa lagu Ixtiraami waayo Meel Dheer ayay Ku dhici doontaa Somaaliland Shakhsiyaadka Sidaa U dhaqamayana Waa In Meel Looga Soo Wada Jeestaa Runtii Uuma Qalmo In Xildhibaan dheeg Iyo masuul kasta Oo xasanaad leh Sidaa Loola dhaqmo Qaranka ayay Ceeb Ku tahay Iyo Bar Madaw Waxaanan Soo jeedin lahaa In Xildhibaan dheeg Arintaa Maanta Ku Dhacday Laga Xaal Mariyo Ninkaa Taliyaha Madaxtooyada Sheeganaayana Waa In xasanada Iyo Xilkaba Laga Xayuubiyaa Hadii Kale Waxaanu U Aqoonsan Doono In Arimaha ama Falalkaa Uu samaynaayo Lagula Socdo Oo laga Danbeeyo___

;;Qaranka Sharaftiisa Hala Dhawro;;
Wariye: Adnan Abdi Sahardid
Salaanmedia/ London

Tusan:-
Mubaarik Kanadi✍✍✍