ADUUNYO URURSI MISE CASHUUR KORDHIN Maalin Wanaagsan Jaalayaal “Cashuurtu waa Webiga Burqadka ah ee Horumarka Bulshada”

FB_IMG_1514936889722

Ku dhawaad mudo 8 Sandooda oo ay ahaayeen Golihii Deegaanka Ee degmada Burco lahayd , waxay qaadayeen Cashuuro ay bixinayeen kumanaan Danyara oo aan awoodin in ay helaan Kharash ku filan Nolol Maalmeedkooda , sikastaba ha ahaate ujeedka Cashuurta Qaranka Ee Gobol Walba laga qaadaa waa in bulshadii Dhaqaalahan laga uruuriyay dib loogu Celiyo , laguna Daboolo Baahiyaha Bulshada sida Caafimaadka
Waxbarashada ,Wadooyinka , Biyaha iyo Dhiirigelinta Dhalinyarada Sida Ciyaaraha iwm , taas oo Fududaynaysa in dalkan wax laga bedelo. Horumar Muuqdana uu Gaadho , Bulshada Reer Burco waxa laga qaada Cashuur Dabooli karta intan iyo ka badanba balse dhaqaalahan aan xadka lahayn ayaa noqday mid la jaaray lunsi, Boob iyo isla xisaabtan la’aan .

dhamaadkii Bishii December ayay ahayd markii Bulshada reer Burco ay ka cabanayeen Wado Xumo iyo Iftiin la’aan jidadka Badhtmaha Magaalada ah , oo ay u xil saarnaayeen Golaha Deegaanku balse cabashooyinkan ayaa ah kuwo aan helin cid dhegeysata oo wax kaqabasho u muujisa . Si taa lamida Magaalada Burco oo ah Caasimadii 2aad ee qarankan ayaa noqotay mid uu buux Dhaafiyay Qashin aan Xad lahayn oo yaala Goob kasta sida Jidka Halbawlaha ah ee ka yimaada
D/Hoose. Iyo Wadooyinka yar yar ee Xaafadaha Magaalada .

Dhawaan waxaan Booqday Qaar kamida Suuqyada Ganacsiga iyo Sariibadaha Magaalada oo ah goobaha laga qaado Cashuuraha uga badan ee Khasnada Qaranka ku dhaca ,Goobahaas oo ay ka muuqdeen Burbur fara badan iyo Nadaafad Daro dhan walba ah , sida ay ii sheegeen Ganacstada Suuqaasi haba yaraate ma jirto wax gadiida Oo Dawlada Hoose Magaaladu leedahay oo qashin ka qaadaa balse ay iyagu lacag ku bixiyaan Qaadista Qashinka ayna ka qaadaan Dadyow Ajaaniba oo u badan Oromo, hadii ay dhacdo in ay waayana uu xashiishku yaalo Gudaha Sariibada ilaa inta la helayo cid qaada .

Sabtidii Horaantii Wiigan ayay ahayd markii ay soo baxday wareegto sheegayso in la kordhiyay Cashuurtii D/hoose 25% , taas oo aan ahayn macquul in ay sameeyaan cashuur kordhin Qadarka inta leeg ah , cadayna u ah lunsiga Hantida ee aan kor ku sheegay .

Ugu Danbayn dulucda Qoraalkaygani waxa uu Fariin u dirayaa Maamulka Golaha Deegaanka Ee Burco

1. Mudanayaal Masuuliyada Magaalada ee Eebe idinka idiin qadaray bulshaduna idiin gartay waxa Haboon in aad ugu shaqaysaan sidii loogu talo galay ee Hanaanka Waxqabad .

2. Mudanayaal Halka aad joogtaan waa Caasimadii labaad ee Qaranka Fadlan Dhagaysta Cabashada Bulshada idiinka imanaysa , dhaliishuna ha noqoto mid aad wax ku bedeshaan .

3. Mudanayaal Sunaha Cashuurta Umada Laga qaado ayaa ah in wax lagu Horumariyo waxna lagu bedelo , sidaa ka war haysaan Jidadkii Magaalada waa mugdi Qashin iyo Qudhun ayaana Buuxiyay , Sariibadihii waxay noqdeen kuwa Xanuun laga qaadi karo , fadlan joojiya Aragtida Cashuur kordhinta ee Guriga D/hoose ka soo baxday .

4. mudanayaal sidaa Ka war haysaan jidadka Magaaladu way wada Xidhan yihiin waxa xidhayna waa Geydh Mitiradiisu aanay macquul ahayn fadlan joojiya Gaydhadhka Noocaasa

5. Mudanayaal idinkoo Xeerinaya Bulshadiina ogna Dhibaatooyinka Wadanka jira fadlan joojiya Cashuur kordhintaa aan Caqliga ku salaysnayn

Jaalayaal Mar Hadaydaan Umada Waxba u Qabanayn kadaaya Lugooyada iyo Nitaaqada .

Aragtidaadu waa Muhiim Jaale

QALINKII :JAALE GUULEED CAATO