Marti-qaadka Jabbuuti ee Biixi waa ku muraadso.

thumbs (4)Axad.07.01.18 . Marti-qaadka Jabbuuti ee Biixi waa ku muraadso.                                                                      

Iyadoo gebi ahaanba heshiiskii ay xukuumaddii hore ee Siilaanyo ee indhaha iyo dhegehuba u xidhnaayeen ee heshiiska wiiqan ee MEMERANDUM OF UNDERSTANDING ah (Is faham hore) ah la gashey shirkad niman carbeed oo DP WORLD la yidhaahdo leeyihiin, laguna ansaxsadey boob iyo qaylo iyo laaluush wada socda, uu waddanka geliyey ruxan iyo cadho faro-badan oo dadkii wax arkayey ka muujiyeen ayaa dhibtii weli halkeedii kasii socataa.                                                                                                           

Waayo Kulmiye ayaa tegey oo Kulmiye kale ayaa yimi, si kalena ardey ayaa macallinkiisii dhaxley. Waxaynu ogeyn in markii loo dhaarinayey talada waddanka Jabbuuti odeyga Ismaaciil  geelle (weli waa anigii), oo talada waddankaas sidii faataxo la akhriyayo ku cel-ceshada sannadkii 2016 uu ku casuumey madaxweynihii hore ee siilaanyo iyo xubno ka ag dhowaa xafladdii isku caano-shubkiisa. 

                                                                                                     

Haddaba ISMAACIILKA GAABAN  oo ay ka go-antahay wax loo yaqaanno SOMALIWEYN  oo uu u  SACYIYO  weliba geed gaaban iyo mid dheerba u koro ayaa si xun u bahdiley weftigii odeyga Siilaanyo iyo Islaantiisa iyo dad kale oo diplomasiyadda caalamka hunge ka ah oo dayuurad raac uun qalbiga ka gashey ku jireen.                                 

Waqtigaa siilaanyo waxaa la fadhiisiyey meel loogu talo galey dadka koofiyad baclayaasha oo madax-dhaqameed soomaaliya looga yeedhey fadhiyeen. Ismaaciil gaab isagu wuu ku raaxeysanayey siduu meeqaamkii Somaliland ula simey gobollada soomaaliya laakiin kuwan kale iyaga ugu dhan mar haddii ay dayuurad sii raaceen oo soo raaceen. Immika dhibtii ninkii gaabnaa weji kale ayuu u beddeley oo wuxuu doonayaa inuu Muuse Biixi u sawiro sawirkale oo ah LIX wax oo dhammaan khiyaamo iyo dhagar ku biyo shubanaya  oo kala ah:                                                               

1. In Muuse Biixi loo muujiyo in minanku (jabbuuti) minankiisii yahay oo uu yaraantiisii dhalasho Jabbuuti lahaa immikana in isaga iyo qoyskiisa la siiyo DIPLOMAT-PASSPORT  ay fududahay maaddaama baasaboorka Somaliland aan la aqoonsaneyn isaguna arrinka DP WORLD  oo la sheegey inuu shaki ka muujiyey iyo garoonka dayuuradaha Berbera uu kusii socdo diidmadaas oo Jabuuti ka farxisey.                                                                                                                                  

2. In Muuse Biixi kolba sanka laga mar-mariyo in Jabbuuti reerkoodu aad u joogo oo marwada koowaad inaadeertii tahay oo xataa reerkoodu wasiirro jabbuuti ku leeyahay sidaas darteedna uu si wacan BARAFKA LA SAARAYO ugu qaboobo oo waxa jabbuuti dooneyso ee ah inuu dekedda Berbera ka eryo Dp world si aaney caqabad ugu noqon dekedda jabbuuti ee DAL-DALKA ah uu ugu khushuuco oo marxabba u yidhaahdo. Dabcan DP World heshiiskeedu riwaayad iyo boob ayuu ahaa laakiin qaab innagu aynu falkinney oo allifney ayaynu ama ku saareynnaa ama ku gilgileynnaa si ay heshiis sax ah noola gasho laakiin inama anfacayo (memorandum of understanding) iyo lacag la qaybiyo iyo jujuub.                                                               

3.In Muuse lagu maslaxdo heshiisyo yaryar oo aan khayr badan lahayn oo qaarkood (VOID) wax madhan yihiin qaarkoodna baahida Somaliland ka jirta ee ictiraafla-aantu sababeyso oo ay ka mid yihiin sida qalab duugoobey oo dawladda jabbuuti aan qiimo badan ugu fadhiyin sida qalab ciidan oo xumaadey, cagafyo gaboobey oo ay ka maarmeen iyo qashin aaney u baahneyn ay usoo raraan iyagoo rinji loosoo marinayo laguna shaanbadeynayo DEEQ INOOGA TIMI ILMAADEERRADEEN JABUUTI IYO ABTIGEEN ISMAACIIL GAAB. Waxaas oo dhan oo jira bal aynu eegno waa maalintii nin ragi QUUDHSI diidi jiraye halkuu ka fadkudiyo odaygii Muuse Biixi ee hoggaaminta waddankan yar kunka khalad u galay si uu u gaadho. 

                                                                         

4. In Muuse Biixi calooshiisa la baadho oo la ogaado sirtiisa wuxuu ka aamminsanyahay kobcinta dhaqaalaha, la macaamilka caalamka sida maalgelinta debedda waayo jabbuuti waa (ACTIVE COMPETITOR AND GREAT CHALLANGER FOR SOMALILAND).                                                                

5. In Jabbuuti hesho jihadfa uu u socdo Muuse Biixi markey timaaddo Siyaasadda arrimaha debedda oo uu ku jiro ictiraafka Somali-land si jabbuuti u hirgeliso caqabadaha ay u dhigeyso higsigaa waayo Jabbuuti waa indhaha dhegaha waxa ay u taqaanno GREAT SOMALIA  taasoo iyadu aaney dooneyn iney ka mid noqota laakiin u eg (SHEEKO JIN U QURXIYEY JABBUUTI).   

                                                                                           

6. In Jabbuuti ka mashquuliso Muuse Biixi socdaalka uu farmaajo ku imanayo Puntland, ta kalena ay ogaato waxa uu ka aamminsanyahay inuu gaadho xuduudaha waddankiisu la leeyahay Puntland, taasoo jabbuuti aaney marnaba jeclayn waayo iyadaaba ciidamo Somali u shaqeynayaa u joogaan Somalia.                                                                     

Arrimahan oo dhan oo ah kuwo u baahan xeelad+diplomasiyad+aragti dheer+waddaniyad+karti maskaxeed kuna soo eegmayaa maalintii ninka adagi go-aan qaadan jirey ee cadowgiisa indhaha faraha ka gelin jirey bal aynu eegno siduu yeelo ninkii in badan inoo sheegi jirey inuu Somaliland indhaha u furaayo oo cadowga ka waabin doonaa.. 

Faras Cali

faraska1988@gmail.com