(Daawo Sawirro) Mid ka mid ah dowladaha Carabta oo Mashaariic horumarineed ka fulineysa Somalia..10.01.18

Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo safar shaqo ah ku jooga dalka kuwait, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Diiwaanka ee dalkaasi Shiikh Cali Jaraax Al Sabaah, isagoo gaarsiiyay  dhambaal uu ka siday  Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabullaahi Farmaajo, kuna socday amiirka dalkaasi.

Wasiirka ayaa warbaxin ka siiyay wasiirka arrimaha diiwaanka ee Kuwait Horumarka dowladda Soomaaliya ay sameysay iyo cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Dowladdaha Soomaaliya iyo Kuwait.

Jamaal Maxmaed Xasan ayaa dowlada kuwait u jeediyay in mashaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya ka qeyb qaataan, taasoo shaqo abuur u noqanaysa dhalinyarada. Soomaaliyeed, qeyb wayna ka qaadan doonta horumarka dalka.

Shiikh Cali Jaraax Al Sabaah, ayaa balan qaaday in dhambaalka uu gaarsiin doona amiirka dalka Kuwait, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan mashaariicda horumarineed ay u baahan tahay, iyaddoo loo soo marsiinayo Sanduuqa Horumarinta dhaqaalaha dalka Kuwait.

Dhinac kale Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Harumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Somaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka qeyb galaya shirka Wasiirada Qorsheynta Wadamada Carabta oo dalkaasi maanta ka furmay, kaasoo muddo labo maalin ah socon doona.